Munaasabada xil wareejinta oo ay xilalka kula kala wareegayeen gudoomiyaha cusub ee degmada waaciye Dr Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan iyo Kusimhii degmada waaciye ahna kuxigeenka degmada waaciye Axmad Maxamad Cali.

Munaasabad oo kadhacaday hoolka degmada hoose ee Waaciye waxaana goobjoog ahaa masuuliyiin katirsan gobolka karkaar degmada waaciye deeganada ay maamusho iyo waxgardka deegaanka .

Ugu horayn waxaa goobta kahadlay kusimihii degmada Waaciye Axmad Maxamad Cali sheegayna in uu aad ugu faraxsan yahay xilka uu ku wareejinayo gudoomiyaha cusub .

Intii ay munaasabadu socotay waxaa Khadka Telefanka kaga qeyb galay gudoomiyihii hore ee Degmada Waaciye Isxaaq Axmed Saalax isagoo jooga Wadanka Ingisiirka, waxaanu ugu hambalyeeyay Maamulka Cusub, isagoona sheegay in gudoomiyaha loomagacaabay waaciye uu yahay Shaqsi ka bixi kara xilka loo dhiibay, waxuuna masuuliyintii hore ee Degmada u dardaarmay in ay la shaqeeyaan maamulka cusub.

Sidoo kale waxaa isna goobta kahadlay gudoomiyaha cusub ee degmada waciye Dr Cabdisalaan Bashiir  Cabdisalaan gudoomiyaha ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xilka uu kala wareegay kusimihii gudoomiyaha waaciye .

Gudoomiyaha degmada Dr Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa balan qaaday in uu waxbadan kaqabn doono horumarinta degmada waaciye iyo deegaanada ku hareraysan.

Qaar kamida odaaysha degaanka oo iyana goobta kahadlay ayaa soo dhaweyay gudoomiyaha cusub  iyaga oo sheegay in uu yahay shaqsi kabixi kara xilka loo igmaday .

Daawo Sawirada









Cismaan Saalax ismaaciil
SBC International Boosaaso