iyadoo ay soconayaan Dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo Qilaafaad beeleed sababay dagaalo dhaliyay khasare oo ka jira qeybo ka mid ah gobolka Karkaar ayaa hadana waxaa bar bar soconaya weeraro ay dhinacyada ishayaa ay isku qaadayaan.

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku geeriyootay 12-kalena waa ay ku dhaawacmeyn shaqaaqado markale ka dhacay Deegaano hoosyimaada Degmada Rako Raaxo ee gobolka Karkaar ka dib weeraro ay isku qaadeen maleeshiyaadka beelaha halkaasi isku haya.

Gudoomiyaha Degmada Rako Faarax Maxamuud Ibraahim oo la hadlayay SBC International ayaa sheegay in dagaaladaasi ay jiraan islamarkaana ay sameynayaan dad aan caqli laheyn isla markaana faraha ugu jiro hub.

Halka ay shaqaaqadani cusub ka dhacday ayaa waxaa lagu magacaabaa Labi waxaana ay degmada Rako u jirtaa 30 Km sida uu gudoomiyaha Degmadaasi u xaqiijiyay SBC International.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in kooxaha waxan sameynayaa ay yihiin kuwo aan laga adkeyn islamarkaana uu eedeyn dusha uga tuurayo Odayaashooda beelahaas, isagoona hoos ka xariiqay in lagu tacadiyayo odayaasha aysana aheyn mid ay xakameynkaraan dhacdooyinka dhacaya.

Ugu dambeyntii Gudoomiye Faarax MAxamuud Ibraahim ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo odayaasha beelahaasi in ay ka adkaadaan maleeshiyaadkooda, xalkuna uu intaasi ku jiro, isagoona ilaahey ka baryay in xal u keeno umadani.

SBC International Boosaaso