Gudoomiyaha degmada Guriceel Cismaan Ciisa nuur Taardhuleed ayaa maanta ka badbaaday Shirqool qarax oo loo dhigay, gudaha Degmada Guriceel ee gobolkaasi Galgaduud .

Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed Gudoomiyaha Degmada Guriceel oo ka dib markii uu dhacay falka qarax ee lala damacsanaa la hadlay SBC International ayaa xaqiijiyay in Qaraxaasi ay ku geeriyoodeen 2 qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka ee rayidka ah.

 Ciidamada Amaanka ee Maamulka Guriceel ayaa isla markiiba bilaabay Howlgalo xoogan oo laga sameeynayay aaga qaraxu ka dhacay kuwaas oo lagu doonayo in lagu qabto dadkii iyagu ka dambeeyay qaraxan.

Qaraxani ayaa waxa uu ka dhacay goob isgoys ah oo ku yaala gudaha degmada guriceel waxaana aan la xaqiijin ilaa iyo hada cidii sida rasmiga ah uga dambeysay inkastoo ay soconayaan baaritaanada.

Ma ahan markii ugu horeysay oo isku day dil uu ka badbaado gudoomiyaha Guriceel Mr taar dhuleed, waxaana uu qaraxani noqonayaa kii 4aad ee lala eegto gudoomiyaha uuna ka badbaado .

C/Jamaal Macalin Axmed
SBC International Galgaduud.