Masuuliyinta ugu sareysa Dowlada KMG ah ee Soomaaliya gaar ahaan gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sh Aadan iyo xildhibaano maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxa ay ka hadleyn baaqna u jeediyeen Dowlada Itoobiya, kaas oo ku aadanaa Xarig ay gobolka Gedo Itoobiya ugu geysatay Xildhibaan Bari Aadan Shire Hiiraale.

[audio:http://sbclive.net/sbca/wp-content/uploads/2011/05/Maxamed-Claahi-Faarx-SBC-Warka-Bare-Hiiraale.mp3|titles=Maxamed Claahi Faarx SBC Warka Bare Hiiraale]

Kulan ay magaalada Muqdisho ayaa ay kaga soo saareen Baaqan ku aadan in sida ugu dhaqsiyaha Badan loo sii daayo Xildibaanada Bare qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo gudoomiyaha Baarlamanka DKMG ah ee Soomaaliya .

Xildhibaan Bare Aadan Shire Hiiraale ayaa waxa uu qeyb ka ahaa dagaalada ka socda gobolka Gedo xiligii la xirayay waxaana uu horkacayay dagaalo ay ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Guulo kaga gaareen xarakada Alshabaab qeybo ka mid ah gobolka.

Shacabka ku dhaqan degmoyinbka gobolka Gedo iyo qeybo ka mid ah gobolada Jubooyink ayaa aragtiyo kala duwan ka jeediyay xariga Dowlada Itoobiya ay u geysatay Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale iyagoona dowlada Itoobiya dusha ugaga Tuureen Eedeyn kulul .

Xiritaanka Bare Aadan Shire Hiiraale ayaa waxa uu yimid xili ay dagaalo xoogan ay ka socdaan gobolka Gedo kaas oo ay Dowlada KMG ah ee Soomaaliya kula jirto xarakada Alshabaab.

Xiritaanka Xildhibaan Bare Aadan Shire ayaa sida wararka qaar ay sheegayaan waxa uu ku yimid markii uu isfahan daro ku aadan dagaalka uu soo kala dhexgalay isaga iyo dowlada Itoobiya, waxaa sidoo kale ay wararku sheegayaan in xildhibaanku iminka uu ku xiranyahay DEg Doolow Itoobiya .

Maxamed C/laahi Faarax
SBC International Muqdisho