Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin dalka Turkiga ayaa maanta kulammo gaar gaar ah la qaatay dhigiisa iyo Madaxweynaha dalka Turkiga ayadoo dhanka kalena uu Gudoomiyuhu booqday goobo ku yaala magaalada Ankara.

Kulamada ka hor ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa waxey booqdeen qabriga uu ku aasanyahay Madaxweynihii hore ee dalkan Turkiga Mustafa kamaal Ataturk halkaasi oo uu gudoomiyuhu dhigay ubax,sidoo kalena Gudoomiyaha iyo Wafdigiisa waxey kormeer ku tageen dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Ankara waxaana Gudoomiyaha iyo wafdigiisa warbixinno ku aadan waxqabadka safaaradda uu ka dhageystay howlwadeennada iyo Mas’uuliyiinta safaaradda oo uu hogaaminayey safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa aad u ammaanay qaabka ay u shaqeyso safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga waxaana uu ku booriyey mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada Safaaradda iney sii wadaan dadaalkooda hagar la’aaneed ee ay ugu adeegayaan shacbiga Soomaaliyeed ee ay wakiilka ka yihiin.

Intaasi kadib Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa waxey tageen xarunta Baarlamaanka dalkan Turkiga oo ku taala magaalada Ankara waxaana uu Gudoomiyuhu kormeeray dhammaanba qeybaha kala duwan ee uu ka koobanyahay dhismaha xarunta Baarlamaanka ayadoo markaasi kadibna uu Gudoomiyaha Baarlamaanka kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalkan Turkiga oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii ay wada shaqeyn joogta ah u dhexmari laheyd labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulankaasi dhexmaray labada Gudoomiye Baarlamaan kadib waxaa Wafdiga Gudoomiyaha uu hogaaminayey qado sharaf loogu sameeyey xarunta Baarlamaanka ayadoo qado sharaftaasina ay goobjoog ka ahaayeen xildhibaannada labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa booqday xarunta Wasaaradaha dalka Turkiga halkaasi oo uu kula kulmay Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka Turkiga Bakir Bozdag oo isagu dowladda Turkiga arrimaha Soomaaliya uqaabilsan waxaana uu Gudoomiyuhu uu aad u ammaanay sida hagar la’aaneed ee ay Walaalaha Turkigu u garab taaganyihiin shacbiga iyo Dolwadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa aqalka Madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha Dalkan Turkiga Mudane Cabdalla Guul oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo adkeyn lahaa waxaana kulankaasi oo qaatay mudo saacado ah ay labada dhinac isku afgarteen in lasii xoojiyo cilaaqaadka iyo wadashaqeynta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leedahay walaalaha Turkiga.

SAWIRO
IMG_8557 IMG_8606 IMG_8644 IMG_8731 IMG_8760 IMG_8837 IMG_8845 IMG_8968 IMG_9141

—-DHAMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka