Ramadaan Wanaagsan meelkasta oo aad joogtaan Aqristayaasheena Sharafta leh, waxaa caawa lagu qabtay xarunta Weyn ee Hay’ada warbaahinta Soomaaliyeed e SBC international munaasabad kooban oo ay ka soo qeyb galeen Gudoomiye yaasha Xaafadaha ka qeyb galaya tartan aqooneedka Kediska bisha Ramadaan ee ay SBC u qabato sanad kasta bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Munaasabadaasi waxaa goob joog ahaa Gudoomiye yaasha iyo wakiilada ka socday 16ka Xaafadood ee sanadkan loo qorsheeyay in ay ku tartamaan Horyaalka tartan aqooneedka Kediska ramadaan ee SBC kaas oo ay heysato Xaafada Laanta Hawada Boosaaso oo sanadkii hore ku guuleysatay.

Waxaa sidoo kale Goob joog ahaa Munaasabadaas Maamulka Sare ee Hay’ada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC, Masuuliyiinta Sar sare ee gudiga u xilsaaran tatanka Kediska Bisha Ramadaan iyo weliba xubnaha kale ee ku jira Gudiga.

Waxaa halkaaasi isugu kala warqaatay Maamulka SBC, Gudoomiyaha Gudiga iyo wakiilada Xaafadaha, waxaana kala warqaadasho ka dib la isla gartay ilaalinta Sharuucda Barnaamijka iyo isku kalsoonaanta labada dhinac,

Ka dib waxaa halkaasi lagu mariyay dhaarin gudiyaasha xaafadaha iyo gudiga Barnaamijka, iyagoo ku dhaartay in ay si hufan oo kalsooni leh lagu wadayo Barnaamijka Tartan Aqooneedka Kediska.

Sanadkan barnaamijka Kediska Ramadaanka SBC waa mid aad u xamaasad badan, waxaana ka qeyb galaya 16 xaafadood oo sida la iclaamiyay Sanadkii hore ka qeyb gali lahaa sanadkan, kuwaas oo ku tartamaya Aqoon Habeen walba oo ka tirsan Bisha ramadaan.

Maanta Ayay aheyd markii gudiga u xilsaaran Tartanka Kediska SBC ay ku dhawaaqeen isku aadka iyo guruubyada ay kala galayaan xaafadaha ka qeyb qaadanaya Tartanka.

Habeen Dambe oo bisha Ramadaan ay tahay 2 ayaa si rasmi ah loo daah furo Tartanka Kediska Ramadaanka waxaana ugu horeyn doona xaafadaha jadwalku ku soo baxay ee kala ah Xingod Qardho Vs Ex-Ridwan/26june Bosaso, oo keliya sida ay gudigu shaaciyeen.

Sawiro

DSC00950 DSC00954 DSC00955 DSC00961 DSC00963
Khaalid Maxamuud

SBC International