Gudiga Heerka Wasiir Ee Gurmadka  abaaraha ee dhawaan u soo magacbaay R/wasaraha Somaliya Dr.C/wali Maxmed Cali Gaas ayaa Ka warbixiyay Waxa uu u Qabsoomay Tan iyo Inta la Magacaabey,

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Boostada iyo Isgaarisiint Dowlada Kmg ah Ee Soomaalia Mudane C/kariim Xassan Jaamac  Oo kamid ah Gudigga Heerka Wasiir ayaa ka Warbixiyay Waxa  u qabsoomey Inta la soo magacaaby,

Waxuu sheegay wasiirka in waxyaabo badan ay u qabteen shacabka soomaaliyeed ee mduooyinkii ugu dambeyay  ku soo barakacay mgaalada, isagoo dhinaca kalana tilmaamay  inta guddigan  la magacaabey iyo in hay’adaha dowlada kaalin wayn ka qaateen sidii ay u caawin lahaayeen walaalahooda dhibaataysan,

Waxa uuna wasiirka si gaar ah u xusey in ugu horeyn dib u dejin loo sameeyay  qeybaha ugu badan dadkii ku soo barakay magalada Muqdisho kuwaasi oo ay u sameeyen xurumo  iyaga u gaar ah oo ay ku nooladan  isagoo sheegay in  deeqo fara bandanna ay gaarisyeen dadkaasi   ayna ka daali doonin  caawinta dadkaasi dhibaataysan

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta xukuuma Somaliyad mudane C/karim Xassan Jaamac ayaa cambaareey  masuuliyiintii ka tirsanaa hay’adaha samafalka oo qar ka mid ah shqaalaheeda shlay lagu afduubtay magalada baydhabo ee xarunta gobalka bay

C/risaaq Sh: Ibraahim (Sheekeeye)
SBC INTERNATIONAL MOGADISHU