Gudiga Tartanka Kediska Ramadaanka SBC International ayaa Maanta ku dhawaaqay Go’aanka Tartan Qeybtii labaad ku beegnaa oo Habeenimadii xalay dhexmari lahaa Xaafadaha Biyo Kulule Boosaaso iyo Israac Gaalkacyo ee Baaqday.

Tartankaasi ayaa u baaqday Daruufo lagu soo beegay xiliga uu qabsoomi lahaa Tartanka oo ay sheegatay xaafad ka mid ah labadaasi xaafad ee tartami lahaa, waxaana gudiga Tartanka uu sheegay in dib loo eegi doono daruufahaas ka dibna go’aan laga qaadan doono .

Go’aanka ay qaateen Gudiga Kediska ayaa noqday in xaafada Israac oo iyadu aheyd xaafada sheegatay daruufaha balse markii dib loo eegay ay noqon waayeen kuwo waafaqsan sharuucda kediska lagu go’aamiyay Forfeit oo 8dii su’aal ee ay lahaayeen, min laba dhicbicna 16kooda lagu wareejiyay xaafada kale ee la tartameysay waa Biyo kulule, oo iyadu u diyaarsaneyd tartanka.

Caawa ayaa waxaa wada tartami doona 4 xaafadood oo iyana ku jira 24ka xaafadood ee tartanka kediska ramadaanka SBC waxaana Kulanka Hore uu noqon doonaa
Xaafada Goljano Waaciye Vs Raf iyo Raaxo Boosaaso