Kulamo xiriir ah oo ay mudooyinka lahaayeen Masuuliyiinta wasaarada Amniga Puntland iyo Bahda Saxaafada Gobolka Bari ayaa looga arinsayay sidii Meesha looga saari lahaa Tabasho Saxafada ay Gobolka ay tabaneysay Wasaarada Amniga kuwaasi oo ay ugu horeysay Xariga Agaasimaha Idaacada Codka Nabada Cawke C.laahi Cali iyo Sidoo kale soo celinta Qalabka idaacadas.

Bahda Saxaafada Gobolka Bari ayaa Wasaarada Amniga u gudbiyay Qoraal ay kaga codsanayaan in Wariyaha Xiran maxkamad la soo taago iyo in wasaarada ay dib u celiso Qalabka Qaar oo laga qaaday Wariyaal iyo Idaacada COdka Nabada taasi oo uu wasiirku ka aqbalay Wariyayasha.

Kulanka Ka dib ayaa saxaafada Gobolka Bari waxay Soo saareen Qoraal cad oo ay ku qeexayaan in Bahda Saxaafada ay ka laabtaan Go’aankii ay horey uga qaateen wadashaqeynta Wasaarada Amniga Waxaana Qoraalka saxaafada u akhriyay Cumar Siciid Maxamed Cumar dheere oo ah tifaftiraha wareygeyska ileys.

Bahdsa Saxaafada Gobolka Bari ayaa sheegay inay ula shaqeyn doonan Wasaarada Si waafaqsan Nidaamka Saxaafada Xorta iyaga oo dhowraya SHarciga Saxaafada Ee Puntland u degsan.

Wariyaasha Gobolka Bari ayaa sidoo kale soo dhaweeyay in Dhawaan Maxkamad Lasoo taago Agaasimaha idacada COdka Nabada ee Boosaaso kaasi oo Ku xiran saldhiga Bartamaha ee Boosaaso   muddo ku dhow 16 cisho

 

SBC International News Desk