Boosaaso- Kulan ay mudooyinka lahaayeen Gudiga Nabadgelyada Gobolka Bari kuna saabsan Amaanka guud ee Magaalada Boosaaso oo ay mudooyinkii danbe ka dhacayeen Dilal Qorsheysan & Qaraxyo ayaa waxaa ay soo saareen Qoraal ay ku qoran yihiin Go’aano ku socda guud ahaan Shacabka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari

Go’aanada Gudiga Nabadgelyada Gobolka Bari soo saaren waxaa ka mid ahaa In la xiro Dhamaan Surinada (Luuqyada ) U dhexeeya Laba guri oo kasta oo aan gadiidka mari karin kaas oo lagu xirayo Dhisme Darbi ah oo aan ka yareyn 3M ,Dhismahaas waxaa dhisisaya Mulkiilayaasha Labada guri ee ay u dhaxeeyaan Surinka.

gudiga Nabadgelyada Gobolka Bari waxaa kaloo ay soo saareen Go’aan ay horey u soo saareen oo ahaa in la qaado Ciida & Dhagxaanta taala magaalada Dhexdeeda ,gaar ahaan wadooyinka waaweyn ee Gadiidku maro .

Go’aano gudiga ka soo baxay ee la adkeeyay dhaqan galkooda waxaa ka mid ahaa in qof walba oo guri ku leh Magaalada Boosaaso uusann kireyn karin gurigiisa Ganacsi & Deegaan labadaba iyadoo aan ogolaansho laga helin Xafiiska Kireynta Guryaha D/hoose ee Magaalada Boosaaso

Gudiga Nabadgelyada ee Go’aanada soo saaray ka dib markii ay kulamo isdaba joog ah ay lahaayeen in lagu dhaqan geliyo maanta oo uu qoraalka soo baxay ilaa & 12.May.2011 gudiga ayaa waxay sheegeen in ay la kulmi doonan Cidii fulin weyda Ganaax & bixinta Qarashka ku baxaya Howshaha Dhismaha.

Go’aanadan waxaa ku saxiixan Gudoomiyaha Gobolka Bari Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf, G/sare Saciid Jaamac Haaruun oo ah Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari & Duqa Magaalada Boosaaso Maxamuud faarax Beeldaaje.

SBC International News Desk