Fadhi ay soo xaadireen xubnaha  6da urur siyaasadeedyada ka jira Puntland iyo gudiga doorashooyinka kumeelgaarka ah ee Puntland ayaa lagu kala sixiixday xeerka Habdhaqanka Doorashooyinka dowladaha hoose ee la filayo inay ka dhacaan bisha shanaad ee sanadkan deegaanada Puntland.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre ayaa halkaasi hadal ugu jeediyay xubnihii ka socday ururada siyaasada ee soo xaadiray isagoo kuritaanka urur siyaasadeedka ka dib u fasiray waxa ay isugu yeereen ururada siyaasadeed.

Waxa uu sheegay in kulankaki ujeedadiisu yahay sidii ururada loogu qeybin lahaa xeerka anshaha ay ku dhaqmi lahaayeen ururada siyaasadeed ee Puntland haatan ka jira.

Waxaa ka dibhadalka gudoomiyaha gudiga halkaasi ka aqriyay xeerkan  C/risaaq Axmed Shoole oo ah xubin ka tirsan gudiga doorashooyinka, waxaana ka  dhex muuqday xeerarkaasi kuwo u sheegaya xisbiyada in ay ka fogaadaan waxyaabaha anshaxa u ah ururada hab dhaqankooda.

Heshiiskan ay kala sixiixdeen gudiga doorashooyinka iyo xubnaha urur siyaasadeedyada ayaa waxa uu horsed u noqonayaa in laga guuro habkii qabaailka ee ay wax ku soo dooran jireen dadka reer Puntland.

WARBIXIN SAMIRO DHAGEYSO `

Samiiro C/raxmaan Cabdulle
SBC International Garoowe