mxamed xasanGudiga Doorashooyinka KMG ah ee Puntland ayaa markale maanta ku dhawaaqay in maalmo dib oo dhigay Doorashooyinka Golayaasha deegaanka Puntland.

Maxamed Xasan Barre gudoomiyaha gudigan ayaa shir saxaafadeed uu ugu qabtay warbaahinta xafiiskiisa magaalada Garoowe waxa uu ku shaaciyay in 15 maalin dib looga dhigay xiligii ay dhici laheyd doorashada golayaasha deegaanka ayna qabsoomi doonto 15ka bisha julay halka markii hore ku asteysneyd 30 June.

isagoo Faah faahin ka bixinayay ujeedada dib loogu dhigay markale xiliga doorashada ayuu sheegay in ay ka wada heshiiyeen xisbiyada doorashada ka qeyb galaya ayna markii hore iyagu ka codsadeen in dib loo dhigo xiligaas si ay u soo xareeyaan liisaska xubanaha degmooyinka,

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay dib u dhigaan gudiga doorashooyinka xiligii la qaban lahaa doorashooyinka gole yaasha deegaanka puntland ee ay ka qeyb galayaan xisbiyada ka hirgalay nidaamkan dimuq raadiyeenta ah, waana markii labaad ee mudo maalmo ah dib loogu dhigo doorashooyinkan.

SBC International Garoowe.