Waxaa maanta ka dhacaday xarunta jaamacada PSU ee magaalada Garoowe xaflada dhaarinta guddiga Doorashooyinka dowlada Puntland kuwaasi oo ay dhawaantan soo ansixiyeen golaha baaralaamnka Dowlada Puntland,

Xubnahaanimaanta la dhaariyay ayaa waxa ay ka kooban yihiin 9 xubnood oo ay soo kala Magacaabeen madaxwaynaha dowlada Puntland iyo guddoonka baarlamaanku .

Xafalda dhaarinta guddiga doorashooyinkapuntland ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxwaynaha  dowlada Punland Dr. C/rixmaan Shiikh  Maxamed Maxamud (Faroole) ,guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo Martisharaf kale oo lagu casumay Ka soo qayb galka xafladaani dhaarinta guddiga doorashooyinka Puntland.

Markii ay xafladu muddosocotay lanadhaariyay  guddigii  doorashooyinka ee puntland ee ka koobnaa 9ka Xubnood waxaa ay guda galeen sagaalkaasi xubnood doorashada guddoomiyaha iyokuxigeenkiisa waxaana Akhiriyay sida ay wax u Dhaceen barkhad cali  saalax oo kamid ah guddiga doorashooyinka puntland Isagoona xusay  inay guddoomiye u doorteen maxamed xasan bare halka guddoomiye ku xigeena ay u Doorteen maxamud xasan soofe isagoona sheegay inay ugu Duceeyaan in ilaahay u fududeeyoxilkaani Dhammaantood gaarahaan guddoomiya iyoku xigeenkiisa wuxuuna intaasi raaciyay inay  wixii faahfaahi ah ee Kaledibisugsoo noqondoonaan.

Intaasi kadib waxaa lagu soodhaweeyay sarkaal sare oo katirsan hay’ada Inter Peac Cabaas Axmed Cabaas Isagoona halkaasi ka soo jeediyay Hadal gaaban, waxaana uu xusay ianaytahay  17 julay maalin taariikhi ah   Kuna lammaansan 1-da August oo ahayd maalintii dhidibada loo taagay dowlada Puntland, Cabaas ayaa xusay In xilligaasi la sameeyay axdi ku meel gaarka ahaa kaasi oo ballan qaadayay in Puntland laga hirgaliyo Hanaan dimuqraadiyadeed maantana waxaa la hirgaliyay ayuu yiri Cabbaas guddigii howshaasi  qaban lahaa ,isagoona sheegay  in hay’ada inter peac ay  tahay hay’ad taageerka dimuqraadiyada iyo horumarinta nabada Wuxuuna ballanqaaday inay hay’ada inter peac taageero buuxda la Garab taagantahay Dadka reer Puntland Gaar  ahaan gudddiga doorashooyinka puntland ee maanta  la dhaariyay.

Gababa gabadii xafladaani ayaa waxaa khudbad dheer oo dhinacyo badantaabanaysa ka soo jeediyay Madaxwaynaha dowlada puntland Dr. C/rixmaan Shiikh  Maxamed Maxamud (Faroole) waxaana uu Sheegay Inaytahay maalintaani maalin Taariikhi U ah ummada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland maadaama aan maanta dhammaystiranay guddigii doorashooyinka  Puntland waana arrin lagaga Gudbayo qaabkii hore ee ay u dhici jirtay doorashada Puntland taasi oo uu Qof waliba Codkiisa toos u dhiibandoono madaxwaynaha  Puntland ayaa  wax badan ka sheekeeyay taariikhda guud ee dowlada Puntland tan iyo asaaskeedii isagoona Xusay inuu kamida hadadkii waxkasameeyay dastuurkii ku meelgaarka Ahaa ee lagu Asaasay dowlada Puntland,isagoona xusay inay guddigaani yihiin guddi madax Banaan ayna diyaaru yihiin inay caawiyaan Guddigaan.

Madaxwaynaha oo kahadlayay xaaladaha cakiranee ka jira koonfurta wadankasoomaaliya aa sheegay in loo baahanyahay in loo baahanyahay  inay isku tashadaan iskana daayaan isqabqabsida dhexdooda Ah madaxwayne farooleayaasidoo Kale kahadlay muddo kordhinta dowlda KMG ah  ee Soomaaliya,iyo halka shirka lagu qaban doono waxaana uu sheegay inay  ubadantahay inpuntland lagu qabandoona Shirkaasi dibu heshiisiinta,.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale  ka hadlay xaaladaha abaaraha ee ka jira gobalda Koonfureed ee wadanka  waxaa uu sheegay inay dadka reer Puntland inay is caawinaan sidoo kalana Madaxwaynuhu waxa uu ugu baaqay Dadwaynaha reer Puntland inay cawiyaan walaalahooda ku dhibaataysan koonfurta wadanka Soomaaliya gaar ahaan waxaa uu baaq u diray ganacsatada oo uu sheegay Inay gacan ka gaystaan arrintaani isagoona xusay inay dowlda ka qayb Qaadan doonto gurmadka dadka ay abaaruhu ay saameeyeen.

Dhawaanta ayay ahayd markii baarlamaanka Puntland ay ansixiyeenguddiga doorashooyinka Puntland Kuwaasi oo maanta  si rasmi ah loo dhaariyay laguna wado inay guda galaan howlahooda shaqo ,Waxayna Ka mid ahayd balanqaadyadii uu Sameeyay madaxwaynaha Dowlada Puntland xilligii loo doortay madaxtinimada puntland.

Yusuf Maxamed  Maxamud {yusuf yare}
SBC International Garoowe