Kulankaan oo ay ka soo qeyb galeen qar ka tirsan golaha wasiirada Puntland, mayaarka magaalada Bosaso, gudoomiyaha gobolka Bari, gudiga KMG ah ee furashada axsaabta, nabaddoonada ,cuqaasha, dhalinyarada iyo guud ahaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Waxaa kulankan loogaga  gollahaa sidii gudiga KMG ah ee furashada axsabta ay bulshada u fahansiinlahayeen furashada iyo ka qayb qaadashada axsaabta siyaasada Puntland.

Ugu horayan waxaa kulanka ka war bixiyey gudoomiyaha gudiga doorashada KMG ah ee axsaabta siyaasada Puntland Maxamed Xasan Bare isagoo sharaxaad ka bixiyey  shuruudaha iyo qababka logu furankaro axsaabta isagoo sheegay in qof walba oo muwadin reer Puntland ah uu furan karo xisbi cid nana  aysan  u diidi karin .

Waxaa isna dhankiisa sharaxaad ka bixiyey qaabka ay doorashadu u dhacayso Barkhad Cali Saalax oo ah xubin ka tirsan gudiga doorashooyinka KMG ah isagoo sheegay in xisbiyada isdiiwan geliya ay  ka soo baxayaan saddex xisbi kuwaas oo noqon doona saddexda xisbi qaran ee tobanka sano oo dame tartamayaa

Dhanka kale bulshada ayaa dhankooda su aalo kaweydiinaayey gudiga KMG ah qaabka  uu qofku axsaabta siyaasada uga qeyb qadan karo iyo weliba da’da uu kaga mid noqon karo xisbiga kaas oo ay uga jawaabayeen gudigu

Arintaan ayaa waxa ay ku soo aadaysaa xili Puntland uu ka dhacay isbadal dhanka dhimuqraadiyada iyo xisbiyada badan taasoo laga guurayo nidaamkii hore ee ku salaysnaa habka beel wax ku qaybsiga,

Sawiro






Ibraahim Maxamuud Qeys
SBC International Boosaaso