Iyadoo Xiliga loo cayimay furashada  ururada siyaasada ee Puntland ay ka harsantahay mudo labo cisho ah ayaa gudiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland warsaxfadeed ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in ay kordhiyeen wakhtiga furashada ururada siyaasada ka dib shirar ay ka yeesheen .

C/risaaq Axmed Shoole oo xubin ka ah gudiga doorashooyinka oo maanta shir jaraaid ku qabtay xarunta gudiga doorashooyinka ee Garoowe ayaa warbaahinta u akhriyey wasaxaafeedka ay soo saarenka  waxaana uu sheegay in xiliga furashada ururada siyaasada oo ku ekaa tobanka bishan ay ku kordhiyeen mudo sadex asbuuc ah .

Mudooyinkii u dambeeyey gudiga doorashooyinka Puntland waxaa ay gobolada kulmo la qaadanayeen bulshada qaybaheeda kala duwan si ay ugu kuur galaan caqbadaha hortaagan furashada ururada siyaasada oo xiligii lagu dhawaaqay ay ka soo wareegtay mudo sadex bilood ah ilaa iyo hadana waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay sadex urur siyaasadeed.

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe