Muqdisho: Markii Ugu Horaysay Ayaa Gudiga Doorashada Madaxtinimada Somaliya Ayaa Waxaa Ay Sheegeen In Doorashada madaxtnimada Somaliya La Qaban Doono Bisha August Ee Soo So Socota.

Xilibaan Xareed Xasan Cali Oo Ah Afhayeenka Gudiga qaban qaabada doorashooyinka Somaaliya ee lagu wado in ay ka dhacdo Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Xiligii Logu Tala galay In Lagu Qaban Doono.

Xilibaan Xareed Xasan Cali waxa uu shaaca ka qaaday in goordhaw  ay bilaabi doonaan qabshada arjiyada  musharaxiinta doonaya in ay isku soo taagaan xilalka Madadaxweynaha iyo Gudoomiyaha Barlamaanka waxana uu afhayeenka  tilmaamay in jagooyinkaasi uu isku soo taagi karo muwaadin walba oo Soomaaliyeed

 Waxaa Uu intaasi Ku darin In Aysan Jirin Wax Khilaaf Ah Oo Arintaasi Ka Taagan Islamarkaasna Loo Baahanyahay In Dhamaan Dadka Ay Dhoowraan Sharciga Dalka.

 Arintan Ayaa Waxaa Ay Imaanaysa Iyadoo Madaxweynaha Dowlada KMG Sheekh Shariif Uu Sheegay In Uu Diyaar U Yahay In Uu Ka Qeybgalo Doorashada Madaxtinimada Somaliya.

Maxamed Xaaji Xasan
SBC News Monitoring