Gudiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee 15ka ah ayaa maanata soo saaray Sharuudo laga doonayo masharixiinta u taagan xilka madaxweyninimada dowlada Cusub ee Soo socota.

Kulan ay gudigani maanta ku yeesheen holka guriga shacabka ee uu ku shiro baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa u gudoominayay gudoonka gudigaasi Ninka lagu magacaabo Cismaan libaax Ibraahin, waxaana ugu dambeyntii ay shaaciyeen go’aamada kulankooda.

Go’aamada Gudigu ayaa waxaa ka mid ahaa in looga baahan yahay Shuruudahan cid kasta oo isku soo sharaxda jagada Madaxweyne nimada Soomaaliya,
> In uu yahay Muwaadin Soomaali ah oo Mulim ah,
> in Da’disu aanay ka yareen 40 sano
> In aanu horay u galin dembi culus oo heer maxkamadeed ah
> Miyirkiisu taamyahay.
> leh Aqoon iyo  waaya aragnimo u qalanta xilka uu u tartamayo.
iyo qodobo kale oo ay ka mid tahay in uu bixiyo lacag dhan 10,000 oo doolar taasi oo noqoneysa is diiwaan gelin.

Qodobadan ayaa waxaa la horgeyntoonaa maalinta Berito ah Baarlamanka cusub ee Soomaaliya kuwaasi oo iyagu ansixin doona .

Maalin nimadii shalay ayay aheyd markii kulan uu gudigani isugu yimid ku shaaciyay xiliga ay qabsoomeyso doorashada madaxweynaha cusub taasi oo ku beegan horaanta bishan September ee maanta bilowga ah.

SBC International Muqdisho