Gudiga Doorashada Baarlamanka “Ma jirto dib u dhac ku yimid Xiliga Doorashada”

Gudiga Qaban Qaabada Doorashada Barlamaanka oo sheegay In Bari ay Noqonayso Maalinta Ladhagysandoono  Khudbadaha Musharixiinta Gudoonka Barlamaanka .

Afahayeenka Gudiga Qaban Qaabada Doorashada Gudoonka Sare ee Barlamaanka Somalia Mudane Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim Ayaa Warbaahinta SBC u Sheegay In Maalinta Bari ay Noqonayso Maalinta Lagudagalidoono Dhagaysashada Khudbadaha Musharixiinta Gudoonka Barlamaanka Si ay Mudanayaasha Barlamaanka Hortooda ay uga Sheegaan Waxqabadyadooda.

Dhanka Kale Afhayeenka Gudiga Qaban Qabada Barlamanka Cismaan Libaax Wuxuu Beeniyay In Gudoonka Baarlamaanku shaaciyay In Doorashada Gudoonka Baarlamaanka ay Dib u dhigeen Inkastoo uu san Sicada u sheegin Maalinta Doorashada Hadana waxa uu Yiri .

“Aniga ayaa ah Afhayeenka Gudiga Qaban Qaabada Doorashada Barlamaanka Mana Jirto Hadal Aniga iga Soo Baxay oo Laxiriirta In Doorashada Gudoonka Barlamaanka Ay Dib ugu Dhacday Maalinta Talaadada ah”

Maalintii Shalay ayeey ahayd Markii ay Si Rasmi ah Usoo Dhamaatay Qabashada Araajida Musharixiinta Gudoonka Sare ee Barlamaanka Somalaia

Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso

Daalacatey :878

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print