Waxaa xalay salaadii cishe ka hor masaajidka Al Rooda ee magaalada Boosaaso lagu soo ban dhigay dhaqaalihii loo ururinayay dadka Soomaaliyeed ee abaarta la daala dhacaya gaar ahaan kuwa ku nool koonfurta Soomaaliya Waxaana  dhaqaalaha soo bandhigay gudiga abaaraha magaalada Boosaaso oo kala ah

1.Gudoomiyah gudiga  Sh.C/rixmaan Aw siciid Muuse
2.SheekhFaarax Maxamuud Cajab
3.Sheekh Axmed Yuusuf Daad

Waxaana ugu horayntii halkaa ka hadlay gudoomiyaha gudiga abaaraha Sh.C/rixmaan Awciise Muuse isgoo ugu horaytii sheegay in mahada koowad uu alle leeyahay  una suurto galiyay in ay maanta u istaagaan sidii ay u caawini lahaayeen walalahooda Soomaaliyeed ee ay abaaruhu ku haystaan koonfurta Soomaaliya,

Intaas kadib wax uu mahad u jeediyay bulshada reer Boosaaso  oo uu sheegay in ay si lagu farxo ay uga qayb qaateen hawshan dhaqaalaha loogu uruurinayo dadka Soomaaliyeed ay abaaruha haystaan

Intaa kadib wax uu sheegay in dhaqaalaha ay hayaan in uu ka badan yahay intii labalan qaaday isagoo soo bandhigay  kuna sheegay in ka badan labaatan iyo todobo kun oo doolar, in ay u aruuriyeen, waxaana uu codsi u diray dadkii balan qaaday dhaqaalaha in ay soo diraan sida ugu dhakhsiyah badan

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay sh.Axmed C/raxmaan oo ka hadlay arimo badan oo ka jira soomaaliya oo ay diintu  ay ogalayn oo ay ka midtahay dhiiga daadanaya ee aan si xaq ah ku daadanan, isgoo umada ugu baaqay in ay Alle ka baqaan oo ay iska  daayan dulmiga ay ku jiran Ilaahayna baryaan  si ay akhiradooda ay u fasa haadin .

Sidoo kale wax uu ka hadlay abaarah ka jira Soomaaliya  gaar ahaan koonfurta Soomaaliya isgoo sheegay in ay tahay  mid loo bahanyahay in lagu cibaaro qaato  loona baahanyahay in lays caawiyo madaama ay yihiin dad muslim ah  ahna soomaali ah,

Umada Soomaaliyeedna waxa uu ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalada ay wadaan oo aan diinta ku salaysnayn ee ay cadaabta ku mudanayaan,

Ugu danbayntii waxaa halkaa ka hadlay Sh Daahir Aw Cabdi  waxaana uu mahad balaaran u jeediyay umada reer Boosaaso oo uu ku tilmamay in ay yihiin dad jecel in ay caawiyaan walalahood dhibataysan ee abaaraha la daala dhacaya isgoo ugu danbayntii ganacsatada ugu baaqay in ay arinkan ka qayb qaataan,

Waxaana dadka jecel in ay la baxaan sadaqadan khayrka badan wax ay ku soo hagajinkaraan
Account No (402450) oo Golis Telecom ah
Ama kala soo xariira
25290727101 ama 66727101
Ama 25290799914 ama 66799914
Ama 25290793171 ama 66793171
Dhaqaalah loo ururinayo dadka ay abaaruhu asiibeen ee dalka Soomaaliya gaar ahaan koonfurta Soomaaliya ayaa ah mid ka socda dalka gudihiisa iyo dibadiisaba,

Axmed Maxamuud Axmed
SBC International Boosaaso