Kooxo hubaysan ayaa maanta Barqadii waxa ay Degmada Afgooye  ku dileen Guddoomiyihii hore ee Degmada Afgooye C/llaahi Cabdi Axmed, xilli uu ku sugnaa Degmada gudaheeda.

Dilka Guddoomiyihii hore ee Degmada Afgooye, waxaa ka dambeeyay rag hubaysan  oo bistoolado wata waxaana ay ku toogteen meel ku dhaw Dukaan lagu magacaabo Shamsu Diin oo ku yaallo Magaalada Afgooye.

Ragga fuliyay dilka Guddoomiyihii hore ee Degmada Afgooye ayaa ka baxsaday meesha ay ku dileen C/laahi Cabdi Axmed, waxaana goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Somalia.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo soo gaaray goobt dilka uu ka dhacay ayaa gacanta ku soo dhigay rag dhalinyaro ah oo lagu tuhmay  inay dilkaasi raad ku lahaayeen.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku waramaayo inuu arkaayay meydka Guddoomiyihii hore ee Degmada Afgooye oo laga qaadayo halka lagu dilay, waxaana la geeyay Xarunta Degmada Afgooye.,

Beegsiga masuuliyiinta iyo ciidamada Dowladda ayaa ku badan Magaaladan Afgooye oo ka mid ah Magaalooyinka hoostagga Maamulka Saddexda Gobol.

Dhowr mar oo hore ayaa dilal qorsheysan Afgooye loogu geystay masuuliyiin horay xilal uga soo qabtay Maamulka Degmada Afgooye.