Kulankaani ayaa waxaa uu dhex maray Guddoomiyah Barlamaanak Dowlada KMG ah ee soomaaliya shariif xsan shiikh xasan oo ay wehelinyaa mudanayaal baar lamaan ee ka soo jeeda beelaha digil iyo Mirifle iyo Barakacayaasha ka soo jeeda Gobalda Baay iyo Bakool kuwaasi oo isugu jiray Odayaal ,Ganacsato ,aqoonyahano ,Haweenka iyo culima awdiin kulankaani aya ahaa mid xogwaraysi ah iyo beeninta hadal dhawaanta ka soo yeeray qaar ka mid ah mudanayasha beelah digil iyo mirifle kaasi oo ku aadanaa in tacadiyo kal gadisan loo gaysto dadka beelahaasi ka soo jeeda ee dagan deegaanada puntland.

Guddoomiya Baarlamaanka DKMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo lahadlayay Dadka Barakacayaasha ah ayaa uga mahad celiyay maamulka iyo shacabka reer puntland sida wanaagsan e ay u soo dhaweeyeen walaalahooda ka soo qaxay dhibaatooyinka ka jira Gobala koon fureed ee wadanak soomaaliya sidoo kala shaaca ka qaaday in dadkii ay la kulmeen ay u sheegeen inaysan jirin wax dhibaato ah oo logaysto uguna baaqay dadka ka soo jeeda Beelaha digil iyo mirifle inay muujiyaan wada noolaansho kalana shaqeeyaan maamulka sugidda ammaanka cidkasta oo nabadgalyada  wax u dhimaysan iska fogeeyaan.

Mar wax laga waydiiyay guddoomiya Baarlamanka Heshiiskii maalinimadii shalay ahayd lagu Gaaray magalada Garoowe iyo sida ay ugu hogaansamayaan mudanayaasha baarlamaanku yaraynta xildhibaanda oo qayb ka ahayd heshiiskaasi xilli uu khilaaf xoogani ka dhex taaganyahay mudanayasha dhexdooda ayaa sheegay in xil dhibaanada marka uu dhammaado waqtigooda dib loogu celin doono odayaashi awal soo doortay taasina aysan wax dhib ahi ku jirin.

Waa kuwaan qaar ka mid ah dadka ka soo jeeda beelaha digil iyo mirifle ee maanat kulanak la qaatay guddoomiya baar lamanka iyo xildhibaanada oo cabbiraya dareenkooda iyagoona dhammaantood sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin kulankaan ay maanta la qaateen Guddoomiyaha Baarlamaanak Shariif xsan shiikh Aadan una sheegeen nolasha dhabta ah ee kaga nool yihiin deegaanda puntland.

Kulankaani dhex maray Guddoomiyaha baarlamaanka dowlada KMG ah ee soomaaliya iyo dadka barakacayaasha ah ee ka soo jeeda beelahaasi ayaa noqonayo mid meesha kasaaraya gabi ahaanba hadalo ay warbaahinta isu marin jireen xildhibaano ka soo jeed beelahaasi iyo maamulka Puntland.

DAAWO SAWIRO


Yusuf Maxamed Maxamuud {Yusuf Yare}
SBC International Garoowe