Gaalkayco- Maamulka Cusub Ee Gobolka Mudug ayaa Warsaxaafadeed ay Soosaareen Kusheegaya in Magaalada Galkacayo ay Tahay Bando . Kadib Markii Magaalada Galkacayo ay Saacadihii Lasoo Dhaafay Kajireen Falal Amaan Xumi iyo Iska Hor,imaadyo Beleed ,

Warsaxaafadeedka ayaa Waxaa Lagu Cadeey in Wixii Kabilawda, 5-ta Galabinomo ilaa 5-ta aroornimo aya magaalad Galkacayo Ay tahay Mid Bandow,ah,

Sidoo kale Warsaxaafadedka ayaa waxaa Lagu Mamnuucay in Gudaha Magaalad Galkacayo aan Lala Dhexmari Marin wax Huba marka laga Reebo Ciidmada Poliska , Warsaxaafadeedka Ayaa sidookale lagu Sheegay in Gudaha Magaalada ayan Mar ikarin Gawaarida ay ku xiran yihiin Waraaqaha madow,

Dhanka kale maamulka Gobolka Mudug ayaa waxa uu sheegay in hada ay Dagan Tahay Xaalada Magaalada ayna arinkii Maanatan  ay Hada Kawada Fariisteen odyaasha Dhaqanka ee Gobolka Mudug , sidaasi waxaa SBC U xaqiijiyey Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Mudug Daahir Maxamuud Muuse ,

Sidoo kale Wuxuu maamulku Canbaareeyey Dilkii Loo Geystay Mid Kamida Culimada Sida weyn Looga Danbeyn jiray   magaalada galkacayo , oo maanta meydkiisa Lagahelay Meel Magaalaada  Banaankeeda ah.

Bandowgan Ay Soosaareen Guddiga Amaanka Galkacayo ayaa imanaya xili Maalmihii Lasoo Dhaafay ay Magaaladaasi Kajireen Falal Amaanka Lidi ku ah.

Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso