Magalada Muqdisho waxaa maanta kulan ku yeeshay Xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya kulankaas oo ay kaga hadlayeen arrintii xiisada faraha badan dhalisay ee ku aadan wareejintii Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax.

Inta uu kulanka socday ayaa Xildhibaanada ay ku kala aragti duwanaayeen arrinta Qalabi Dhagax, qaarkood ayaa wareejintaas ku taagersanaa dowladda halka qarkood ay ka soo horjeedeen.

Dood dheer kadib Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa Xildhibaanada ku wargeliyay in Guddi ka soo tala bixiya arrintaan loo saaray isla markaana xildhibaanada dib loogu soo
celin doono.

Guddigan ayaa la filayaa inay ka yimaadaan Guddiyada joogtada ee golaha shacabka, iyadoo Guddoomiyaha Baarlamanaka uu sheegay in xubnaha Guddiga ay dib ka soo sheegi doonaan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirtay sidii arrintan xal looga gaari lahaa, isla markaana go’aankii ay gaartay loo aqbali lahaa, hase ahaatee waxaa arrinta ku soo biyo shubatay in Guddi loo saaro.

DAAWO WARBIXIN :