Tan iyo intii ay gacan ku heynta Magaalada Baladweyne ka baxaday xoogaga Xarakada Alshabaab islamarkaana ay gacanta ku dhigeen Ciidamo isugu jira soomaali iyo Itoobiyaan ayaa waxaa soo kordhaya hadalada is burinaya ee muujinaya isqabqabsi dhanka maamulida magaaladaas ah,

Marka dib loo eego Gobolka Hiiraan ee ay xarunta u tahay Baladweyne waxaa ka jira Maamullo lagu soo aasaasay dalka Dibadiisa iyo gudihiisaba kuwaas oo midkiiba loogu magacdaray Maamul goboleed, ayna ka mid yihiin, Hiiraan State, Dooxada Shabeele, Hiiraanland, Ahlusuna, iyo weliba kuwo kale.

Waxaanu midba midka kale sheeganayaa in uu isagu ka arimiyo Gobolka siiba Magaalada dhowaantan ay la wareegeen ciidamada Itoobiya ee Baladweyne.

Hadaba kulamo ay isugu yimaadeen Odayaal, Waxgarad, shacabka iyo weliba Maamulada Ahlusuna iyo dooxada Shabeele ayaa waxaa laga soo saaray sida laga warhelayo go.aamo inkastoo aan weli saxaafada loo shacin.

Waxaa la sheegay in Go’aamadaasi ay ugu waaweeynaayeen in magaalada Baladweyne iyo guud ahaan gobolka loo daayo Maamulka Ahlusuna waljamaaca, Halka Maamulka Dooxada Shabeele iyo Maamulada kalena ay Banaan joog ka ahaadaan Magaalada Baladweyne iyo guud ahaan siyaasada Gobolka.

Lama garanayo xaalada sida ay noqontoonto, balse Waxaa muuqanaya islamarkaana ay soo sheegayaan dad goob joogayaal ah oo ku sugan magaalada Baladweyne in magaaladaasi inta badan ay faarujiyeen ciidamadii maamulka dooxada Shabeele ku socday islamarkaana ay ku sugan yihiin goobaha saldhigyada iyo meelaha maamulka kuwo ka tirsan Ahlusuna waljamaaca.

Arintani ayaa waxay ku soo beegmeysaa xilimudooyinkii ugu dambeeyay magaaladaasi ay ka jiren is qabqabsi dhinaca siyaasada ah tan iyo intii Alshabab halkaasi lagala wareegay,

C/casiis Ibraahim Axmed
SBC INternational Garoowe