Shir albaabadu u xirnaayeen oo golaha wasiirada DFKMG ay ku yeesheen magaalada Muqidsho ayay kaga hadleen arimo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen weerarkii lagu diley wasiirkii arimaha gudaha, iyo iscasilaada Ra’isalwasaaraha.

Hadaba warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’isalwasaaraha qaybta warfaafinta ayaa lagu faahfaahiyey kulankaasi wixii looga hadley waxaana uu qornaa sidatan.

Jamhuuriyadda Soomaaliya

Xukuumadda Federaaliga KMG ee Soomaaliya

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Ref: XRW/Tacsi 103/06/11 Date: 11 June 2011

War-Saxaafadeed

Muqdisho, Sabti, 11 June 2011 – Shir ay yeesheen golaha wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin geeridii shalay ku timid Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, muddaaharaadyadii labadan cisho ka dhacayey waddanka gudihiisa iyo waddamada dibedda iyo heshiiskii Kampala.

Golaha Wasiirada waxey ka tiiraanyeysan yihiin geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Cabdishakuur Sheekh Xasan Farax, Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo ku geeryooday qarax argagaxiso oo ay soo qorsheeyeen kooxaha xagjirka
 ah
 ee khawaarijta ah ee diiddan nabadda dalka. Golahu waxa ay tacsi u direen dhammaan shacabka Soomaaliyeed, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuumku.

Golaha Wasiirada waxay soo dhoweeyeen, rabitaankii shacabka Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa oo ay ku muujiyeen dareenkooda iyo taageeradooda Ra’iisul Wasaare Maxamed Cabdullahi Maxamed iyo xukuumaddiisa. Taasoo ah markii ugu horreysey ee taariikhda Soomaaliya oo ay shacabka si hagar la’aan ah u muujiyeen dareenkooda iyo taageeradooda.(Link-kan  ka dhageyso) Halkan ka dhageyso Afhayeenka xukuumada oo ka hadlaya shirkaasi

Ugu danbeyntii, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmajo) waxa uu golaha siiyey warbixin ku saabsan kulamadii iyo heshiiskii Kampala. Kadibna Golahu waxay ka doodeen qoddobada heshiiskii Kampala waxayna go’aamiyeen arrimahan:

1. In heshiiska Kampala u baahan yahay in la horgeeyo Baarlamaanka, lana waafajiyo Axdiga KMG ah iyo shuruucda dalka u degsan.

2. Is-casilaadda Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisu iyo hirgelinta qoddobada kale ee heshiika Kampala waxay ku dhaqan-geli karaan oggolaanshaha Baarlamaanka Soomaaliya. Golaha Wasiiraduna waxay diyaar u yihiin inay aqbalaan go’aanka Baarlamaanka.

3. Golaha Wasiirada waxay weli u arkaan in danta dalka iyo dadka ay ku jirto in muddo hal sano ah dib loo dhigo doorashada madaxda Qaranka, si Xukuumaddu u dhameystirto howlaha qabyada u ah; waxayna diyaar u yihiin in ay u adeegaan shacabka Soomaaliyeed, wadashaqayn buuxdana la yeeshaan Hay’adaha Dastuuriga ah ee dalka.

 – DHAMAAD –