Golaha Wasiirada Xukuumadii KMG Soomaaliya ayaa kulan ay maanta isugu yimaadeen waxaa gudoominayay Raiisulwasaare C/wali Maxamed Cali gaas waxana looga hadlay arimo dhowr ah oo ku aadan xaaladaha siyaasadeed ee cusub oo uu dalku galay .
Golaha ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha cusub ee uu dalku yeeshay waxaana ay sheegeen in ay rajeynayaan in dalku ku talaabsado Horumar dhankasta leh.
Waxaa sidoo kale kulankaasi lagu cambaareeyay Qarax maalin nimadii shalay ka dhacay hotel uu ku sugnaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheeq Maxamuud kaasi oo dhaliyay khasaare nafeed.
Waxaana ay sheegeen gobolaha wasiirada in qaraxaasi uu ahaa mid lagu qalqalgelinayay xaalada dalka balse aysan waxba u dhimi doonin talaabooyinka xukuumada Federalka Soomaaliya ee uu horkacayo Madaxweynaha cusub.
Waxaa sidoo kale kulankaasi lagu soo hadal qaaday qabsoomida caleema saarka madaxweynaha cusub oo la iclaamiyay maalinta axada ah sidi loogu diyaar garoobi lahaa .
Wasiir ku xigeenka wasaarada Warfaqafinta Dowlada ayaa u waray SBC waxaana arintan su’aalo ka weydiiyay Wariye Maxamed Cali Iimaan DHAGEYSO
Daalacatey :987