Shir gaar ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyey miisaaniyadda 2018 isla markaasna hambalyo loo direy doorashooyinka Somaliland.

Golaha Wasiirada ayaa dhageystay warbixin la xiriirta doorashooyinka ka socda deegaanada Somaliland iyo ololahii ballaarnaa ee doorashadii ka horeysey.

Dood dheer ka dib, Golaha Wasiiradu waxey aad u ammaaneen isla markaasna ay hambalyo u direen doorashooyinka Somaliland oo si nabad ah u dhacay, kuna tilmaamay doorashooyin si dimoqraadiyad ah u dhacay oo xitaa ka fiican wadamada galbeedka qaarkood.

Golaha ayaa sheegay inay habboon tahay in warbixinta rasmiga ah laga sugo guddiga doorashooyinka oo cidii ku guuleysata la soo dhoweeyo lalana shaqeeyo.

Dhinaca Kale Wasiirka Maaliyada ayaa golaha wasiirada u soo bandhigay Miisaaniyada 2018 oo faahfaahsan una sharaxay muhiimada ay u leedahay dalka.

Miisaaniyadan ayaa ah mid si casri ah loo soo diyaariyey kuna timid wadatashiyo lala sameeyey dhammaan hay’adaha dawliga ah oo ay ku jiraan dawlad goboleedyada, iyadoo diirada lagu saaray adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, oo weliba la qorsheynayo in Iskuulo lagu dhiso, iyadoo weliba miisaaniyad loo qoondeeyey lagu xoojinayo afka Soomaaliga oo la dhisayo xaruntii Akademiyada Afka Soomaaliga.