Isniin, 03, Dec, 2012…Shir ay maanta isugu yimmaaddeen Golaha Wasiirada oo uu gudoominayey Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane: Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa waxaa looga hadaly arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin Amniga, Miisaaniyada Sanadka 2013ka iyo Hantida Safaaradaha Soomaaliya ku leedahay Talyaaniga iyo Maraykanka.
Golaha wasiirada ayaa aad u soo dhaweeyey qaadida isbaarooyinkii yaalay magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda iyadoo gaadiidka looga qaadi jiray lacag lagu qiyaasay 30,000 doolar oo sharci darro ah maalin kasta, taas oo maanta sababtay in ay qiimo dhimis sameeyaan gaadiidka ka shaqeeya magaalada muqdisho iyo gobolada dalkuba.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane: Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa sheegay in dowladda cusub siyaasadeedu tahay iney adeegyada dowladda gaarsiiso gobolada dalka, madaxda dowladuna booqan doonaan goboladaas. Wuxuuna amaan u jeediyey Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Kismaayo oo maalintii shalay ahayd ka hortagay gawaari laga soo buuxshay waxyaalaha qaraxa oo la damacsanaa in lagu waxyeeleeyo shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo.
Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo saxaafada la hadlay ayaa aad ugu amaanay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed sida geesinimadu ku dheehan tahay oo ay uga qaadeen isbaarooyinkii dhex yaalay magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare “Saacid” wuxuu baaq nabadeed u diray beelihii ku dagaalamay Gobolka Galgaduud, waxana uu tacsi u diray qoysaskii iyo qaraabadii ay dadku uga geeriyoodeen dagaaladaas, isagoo sheegay in Xukuumaddu u dirayso gudi wasiirro ah si waan-waan iyo xal waara looga gaaro colaaddaas.