Mudanayaasha Baarlamaanka Puntland ayaa maanta ansixiyay Xeerka Kalluumaysiga Puntland kaasi oo ka kooban 94qodon Xeerkaani ayaa dhigay siyaasada lagu maamulayo kalluumaysiga guud ahaanba deeegaanada Puntland sidoo kale Xeerkaani waxaa uu qeexayaa heshiisyada caalamiga ah ee la xiriira dhanka Kalluumaysiga Gudoomiye ku xigeenka Barlaamanka Puntland Salaad Xareed Dacar oo warbaahinta la hadlay ansixinta kadib waxaa uu qeexay Xeerkaani iyo Cida uu Quseeyo isagoo sheegay in uu yahay mid quseeya guud ahaanba kalluumaysatada Puntland,loona baahanyahay in la dhaqangaliyo marka uu ka yimaado ogalaanshaha madaxwaynaha.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in inta badan mudanayaasha baarlamaanka puntland ay ogolaadeen sharcigaani falanqayn dheer kadib loogana dooday qodob qodob.

Ansixinta xeerkaani mudanayaasha baarlamaanka dowlada puntland ay maanta ku codkooda ay ku ogolaadeen ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa iyadoo muddooyinkii ugu dambaysay ay cabasho xoogani ka soo yeeraysay kallumaysata puntland taasi oo ay uga cabanyeen maraakiibta shisheeya ee ku sugan xeebaha wadan ka soomaliya kuwaasi oo La sheegay in ay baacsi ugu jiraan kooxaha burcad badeeda soomaalida ah ee inta badan ka qowlaysata xeebaha wadanka soomaliya iyo biyaha caalamiga ah ee ka baxsan xeebaha soomaaliya.

iskataba 35-wakiillo ayaa maanta soo xaadiray  fadhigii ay Baarlamaanka Puntland yeesheen ayaa waxaa ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xeerka kaluumaysiga Puntland oo ka kooban 94-qodob.

Dhanka kale Xubnaha Barlamaanka puntland  ayaa waxaa ay baaq nabadeed u direen beelaha  ku diriraya Gobolka karkaar deegaano ka tirsan kuwaasi oo ay u jeediyeen in ay dagalaada dhiiga badani uu ku daatay in ay joojiyaan halkaasna laga sii wado waan waantii horay  uga socotay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalkaasi Bari.

waxaana lagu soo warmayaa in maanta deegaanadii dagaalada ay ku dhaxmareen beelaha walaalaha ah ay xaad Dagaan ah ay jirto iyadoona loo jeedinayo baaqyo nabadeed lagu Dalbanayo in colaada lagu baajinayo isla markaana wixii khilaafaad ahna wada hadal lagu dhameeyo kuwaasi oo ka Imaanaya cuqaasha ismada iyo samadoonada ku dhaqan deegaanada puntland.

Cabdi Casiis Ibraahim Axmed (Cabdi casiis Okey).
SBC International Garoowe