Golaha wakiilada Puntland ayaa maannta cod u qaaday xeerka afti u qaadista dastuurka Puntland, iyadoo ansixitan lagu gaarey kulankoodii 27-aad ee ay ku yeeshaan xaruntooda magaalada Garoowe.

Fadhigii maanta waxaa soo xaadiray 41 xubnood, waxaana dood iyo falanqayn dheer ka dib loo gudagaley in cod loo qaado xeerkaasi, waxaana 38 xubnood oo ka mid ahaa xubnihii fadhiga soo xaadiray ay codkooda siiyeen in xeerkaasi la dhaqan galiyo.

Xeerkan ayaa wuxuu qorayaa in si guud dadka Puntlandaan  looga wada qaadin aftida balse  ay u codeeyaan Ergooyin kooban oo qaybaha kala duwan ee bulshada laga soo kala xulay.

Doodii fadhiga golaha wakiilada iyo waliba codeyntii maanta dhacdey link AUDO hoose ka dhageyso.

Halkan ka dhageyso doodii & ansixintii
HALKAN KA DHAGEYSO

Cabdinaasir Yaasiin
SBC Garoowe