Guddiga kacdoonka Soomaaliyeed ee ku mideysan dhinaca Internet-ka ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay, go’aankii xukuumadda iyo hadalkii maanta kasoo yeerayxafiiska Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee ahaa inuu si aada u soo dhaweeyay taageeradiii ay shacabka Soomaaliyeed u muujiyeen isaga iyo xukuumadiisa isla markaana uusan xilka Ra’iisul wasaaranimo iska casiili doonin.

Bartani oo uu fududeeyay bogga isku xirka bulshada ee Facebook oo haatan xubno ay ka yihiin dad kabadan 7000 (Todobo kun) oo xubnood, kuwaasi oo kala jooga shanta qaaradood ee caalamka isla markaana ay ku midoobeen magaca Soomaaliyeed iyo kacdoonka xaq u dirirka ah ee markiisii hore kasoo bilawday caasimadda Muqdisho, isla markaana ku fiday dal walba oo ay Soomaalidu caalamka kaga sugan tahay. 

Gollahan waxa uu sheegaya iney si aada u soo dhaweynayaan go’aankii xukuumadda iyo war saxaafadeedkii  maanta  kasoo baxay xafiiska  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, kaasi oo yididiile iyo farxad ku beeray guud ahaanba ummadda Soomaaliyeed oo aanan 20-kii sano ee lasoo dhaafay helin siyaasi ay taageeradiisa ku mideysan yihiin, oo ay u arkaan inuu dan u yahay ummadda Soomaaliyeed, isla markaana fududeyn kara in Soomaaliya ay ka gudubto jahwareer siyaasadeedka iyo colaadaha dalkeena ragaadiyay.

Aasaasaha bartan ahna gudoomiyaha Soomaalida ku mideysan taageerida Ra’iisul wasaare Maxamed Cabdulaahi Maxamed “Farmaajo” ee dhinaca Facebook ayaa sheegay in warsaxaafadeedkii maanta kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Farmaajo uu ahaa mid si aada loogu farxo isla markaana niyad dhis iyo farxad ballaaran ku beeray niyadda iyo qalbiga shacbiga Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana bahda isku magacawday Gollaha Kacdoonka Soomaaliyeed ee dhinaca Facebook.

Wariye Cabdiqafaar Axmed Shire oo ah aasaasaha bartaasi isla markaana ah gudoomiyaha gollaha kacdoonka Soomaaliyeed ee dhinaca Facebook ayaa waxa uu Ra’iisul wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku tilmaamay geesi muujiyay gobonimo baahsan oo uu ku taageeray dareenka guud ee shacbiga Soomaaliyeed ee muujiyay wadniyadda iyo walaalnimada ay Soomaaliya waysanayd 20-kii sano ee laso dhaafay. 

“Hadlaka kasoo baxay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxa uu niyadda u qaboojinayaa shacbiga caasimaddda Muqdisho ee 9kii iyo 10-kii bishan June muujiyay dareenkooda wadaninimo , isla markaana ay soo gaareen dhimashada iyo dhaawaca halka qaarkoodna siyaasado gurracan oo aanan ujeedadooda lagaranayn lagu xirxiray oo xabsiga loo taxaabay” sidaasi waxaa yiri Cabdiqafaar Shire oo ah aasaasaha bartani. 

Waxa ayna golluhu intaasi raaciyeen in sidoo kale Soomaalidii isu soo baxyada ka sameeyay daafaha caalamka iyo sidoo kale kuwii iyagoonan magac iyo muuqal ahaanba isgaranayn ku bahoobay bogagga isku xirka bulshada sida Facebook iyo Twitter-ka uu hadalkaasi u yahay mid u qaboojiyay niyadda kana bixiyay shaki ku jiray 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay oo aysan u kala caddeyn go’aanka kasoo bixi karay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxay Golluhu ugu baaqeen xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya iney kasoo baxaan waajibkooda dastuuriga ah ee ay u leeyihiin iney go’aan ka qaadtaan waxyaabaha lagu soo dhoobo dalalka shisheeye ee aysan raali ka noqon Karin guud ahaan ummadda Soomaaliyeed intooda damiirka leh, isla markaana lagu shirqoolayo midnimada, wadaniyadda iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

“Xaqiiqdii marka si dhaba loo fiiriyo heshiika Kampala ay kusoo galleen madaxda Dowladda gaar ahaana guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu ka hor imaanayaa dastuurka amaba Charter-ka Federaalka KMG ah ee ay ku shaqeeyaan hay’adaha Federaalka Soomaaliya, kaasi oo dhigaya in Golaha Baarlamaanku uu yahay Hay’adda Dastuuriga ah ee ugu sareysa laamaha ay dowladdu ka kooban tahay sida sharci dejinta, Xukuumadda iyo waliba Garsooorka, ayay Golluhu baaqooda ku sheegeen, waxayna golluhu codsadeen in Baarlamaanka Soomaaliya uu horyaallo heshiiskii Kampala oo raali galiyay Augistine Mahiga, Yuweri Museveni iyo labada Shariif iyo sidoo kale Go’aanka xukuumadda oo raali galiyay guud ahaanba shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan.

Waxay Golluhu carabka ku adkeeyeen in go’aanka Baarlamaanku ay ka qaadtaan shirkii Kampala inuu u kala cadeyn doono cidda ay Golaha sharci dejinta Soomaaliya u shaqeeyaan ee ay wakiilka ka yihiin sida rabitaanka Shacbiga Soomaaliyeed iyo rabitaanka shakhsiyada gaarka ah ee ku saxiixan heshiiskii Kampala oo ay ka mid yihiin Madaxwynaha Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xassan Sheeikh Aadan, Augistine Mahiga oo ah madaxa xafiiska siyaasdda qaramada midoobay ee arimaha Soomaaliya, iyo sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Yugaandha Yuweri Museveni.

Dhinaca kale waxay golluhu u digeen qaar kamida Gollaha wasiirada Soomaaliya oo iyaga u ololaynay iney xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Farmaajo ee rabitaanka dhameystiran ka haysata shacbiga Soomaaliyeed ay meesha ka baxdo oo uu Ra’iisul wasaaruhu is casilo, isla markaana la dhaqan galiyo heshiiskii Kampala, kuwaasi oo ay ku tilmaameen dhuuni raacyo marnaba aanan ka shaqeynin danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.

“Waanu ka warqabnaa dhaqdhaqaaqyada ay wadaan qaar kamida gollaha wasiirada oo ay ugu ololaynayaan kuna doonayaan iney xukuumadda RW Farmaajo meesha ka baxdo, si loo raali galiyo labada Shariif, waxaana wasiiradaasi leenahay ha ku hungoobina waxaanan idiin suurta galaynin adinka iyo inta ka shaqeynaysa danaha shisheeyaha ee ku wajahan Soomaaliya iyo sidoo kale daba dhilifyada ku adeegta magaca Soomaaliya ee aanan rabin iney xasilooni ka dhacdo gayiga Soomaaliya” ayay Goluhu tilmaameen. 

Waxay goluhu hadalkooda raaciyeen iney ka warqabaan in wasiiro ay ugu horeeyaan Cabdikariin Xassan Jaamac, Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Cabdirashiid Khaliif Xaashi Wasiirak Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska oo ahaa shakhsiyaad horey uga soo shaqeyn jiray xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ay ku jiraan olole ah iney Wasiiro iska casilaan xukuumadda RW Farmaajo si ay xukuumaddani meesha uga baxdo, laakiin waxaynu leenahay taasi waxay tuke cambaar leh ka dhigi doontaa wasiirkii isku daya inuu hareer maro go’aanka xukuumadda Soomaaliya iyo hadalkii RW Farmaajo oo ah wasiirka 1-aad ee isagu ugu hogaamiya tallooyinka xukuumadda Soomaaliya.

 “Cabdikariin Xassan Jaamac, waanu ka war haynaa hirar siyaasadeedka aad dhex dabaalanayso ee ah inaad ku dhiiri galinaysaan inay wasiiro iska casilaan xukuumadda RW Farmaajo, si loo raali galiyo labada Shariif oo haatan u muuqda ineysan wadin danta guud ee ummadda Soomaaliyeed, waxaanu ka warqabnay in adigoo ah wasiirka warfaafinta hadalkii aad jeedisay 10kii June ee ku aaddanaa inuu Ra’iisul wasaaruhu is casilayo si loo raali galiyo labada shariif heshiiskii ay Kampala ku soo gaareen, isla markaana uu xilkiisa ka tanaasulayo, waxaanu ka warqabnaa inaad olole noocaasiyo waddo, inagoo kaaga digayna arimahaasi iney saameyn xooggan ku yeelan doonaan mustaqbal siyaasadeedkaaga ku wajahan Soomaaliya, ayay Goluhu hadalkooda ku dareen. 

Dhinaca kale waxay Gollaha Kacdoonka Soomaaliyeed ee dhinaca Facebook sheegeen iney isku arkaan kullan dhinaca Taleefanka ah (Teleconference) ayna ku gudo jiraan iney iska aruuriyaan lacago ay ku taageerayaan xukuumadda Soomaaliya iyo rabitaanka guud ee ah iney xukuumaddu sii jirto, isla markaana mustaqbalka dhaw meesha laga bixiyo siyaasiyiinta aanan ka shaqeynin rabitaanka iyo madaxbanaanidda ummadda Soomaaliyeed.


Laanta Warfaafinta ee Gollaha Kacdoonka Soomaaliyeed ee Facebook
Groups Name: We Support Mohamed Abdullahi Farmaajo- The Somali Prime Misiter
http://www.facebook.com/home.php?sk=group_103843073042243
Nagala soo xiriir:+1206-414-0230      end_of_the_skype_highlighting
Email Address:      Somuprising@gmail.com  
Cabdiqafaar Shire.
Webmaster and Radio Broadcaster.
 Personal: Abdikafarshire@gmail.com
Work:      Webmaster@horumar.com.
 
Skype: Abdikafar.shire.

Afeef: SBC Masuul kama ahan macluumaadka uu xambaarsan yahay qoraalkan, wuxuuna u gaar yahay qoraha.