Boosaaso-Kulanka Golaha Guud ee Ganactada ku mideysan rugta Ganacsiga ee Puntland ayaa manta waxaa lagu qabtay Xarunta Rugta Ganacsiga ee Boosaaso waxaana ka soo qeybgalay inta badan ganacstada Ku mideysan rugta Masuuliyiinta rugta & Masuuliyiin ka socotay Maamulka Puntland

Ugu horeyn waxaa kulanka Furay Gudomiyaha rugta Maxamuud Xayir Ibraahim oo halkaas ka akhriyay Khudbad dheer oo ku aadan in xilligan la joogo waqtigii Doorashada Rugta gaar ahaana Gudiga Maamulka Ee rugta Ganacsiga Puntland , Gudoomiyaha ayaa sheegay in Mudadii ay xilkaasi hayeen ay wada shaqeyn baaran dhexmartay Ganacstada Maamulka rugta isaga oo shegay inaysan marna soo dhexgalin wax khilaaf ah.

Gudoomiyaha rugta waxaa uu docda kale xusay in waxqabadkii ugu balaaran ee ay qabteen intii ay xilka hayeen ay ahaayeen kuwo muuqda waxaana uu tusaale u soo qaatay in rugto ka shaqeysay Mideynta Ganacstada Puntland ,in rugto ka shaqeysay Arimaha bulshada Sida nabadgelyada Heshiisiinta Beelaha Colaado dhexmartay , taakuleynta Masaakiinta Bisha ramadaan , isku dubaridka & Abaabulka howlaha Dhismaha Isbitaalka.

Maamulka Rugta ayaa ku dheeraaday waxqabadkooda ay qabteen oo ay ka mid ahayd Isku xirka Rugaha Ganacsi ee Caalamka ka jira oo ay gaarsiiyeen Magaca Puntland Rugaha ay xiriirka la leedahay rugtan waxaa ka mid ah Jabuuti, Yemen, Ethiopia, India & Indonesia.

Intaasi ka dib waxaa Halkasi Hadalo kooban ka soo jeediyay Ganacstada Kulanka guud ee labadii sanno mar la qabto fadhiday waxaana dhamaantood ay isla qireen in Dhamaan Maamulka haatan ee rugtu ay qabteen waxqabad lagu muuqda oo u baahan in waqtiga loo kordhiyo iyo in laga dalbado inay aqbalaan Dalabka ganacsatada eek u aadan inay markale hogaanka u doortaan.

Markii la dhageystay Figradaha kala duwan ee ka imaanayay ganactada Puntland ee Kulanka Golaha Guud e Ganacstada oo dhamaantood Maamulka Rugta ku amaanayay waxqabadkooda ayaa waxaa halkaasi lagu soo dhaweeyay wasiirka Ganacsiga Puntland Xasan Faarax Jaamac waxaa uu halkaas bogaadin ugu diray maamulka rugta oo uu sheegay in Waxqabadkooda yahay mid lagu faani karo isaga oo tusaale u soo qaatay Carwadii Caalamiga ahayd ee Puntland oo lagu qabtay Boosaaso iyadoo ahayd bandhigii ugu horeeyay ee Noocisa ah oo puntland lagu qabto.

Wasiirka Ganacsiga ayaa intaas ka dib soo jeediyay isaga oo la hadlay Golaha guud ee Ganactada Puntland oo ay markasi ka joogeen 75 xubnood in isla xilgaas  cod loo qaado inay howsha sii wadaan Gudiga Maamulka rugta & Inkale waxaana 73 ka mid ah Golaha Guud ee Ganacstada ay u codeeyeen in maamulka Rugta uu sidiisa howsha u sii wado waxaana halkaasi ka aamusay 2 Xubnood oo diiday.

intaasi ka dib Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland oo muddo laba sanno oo kale xilkan loo soo doortay ayaa Xafiiskiisa Shir saxaafadeed ku qabtay isaga oo u mahadceliyay Ganactada Golaha ku mideysan ee Dib u doortay Maamulkooda waxaana uu sheegay in maamulkooda ay sii wadi doonan Dadaalka kooda waxaana uu sheegay in 15-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Gudiga Maamulka ee Rugta ay ka soo bixi doonan waajibaadkooda Shaqo Si daacadnimo ah.

DAAWO SAWIRADA

Maxamed Deeq Cabdalla
mdeeq16@hotmail.com
SBC International Boosaaso