Golaha Deegaanka Dagmadda Galkacyo ayaa maanta Ku Kulmay magaaladda Galkacyo ee gobolka Mudug.

Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ayaa maanta doortay Duq ku xigeen Cusub ka dib markii Duq ku xigeenkii hore uu xilka iska casilay 3-dii Bishaan May, waxaana Xilka Duq ku xigeenka Degmada Maanta loo doortay Maxamed Maxamuud Afjar (Kabo-qolof).

Doorashada oo ka dhacday Xarunta Golaha Deegaanku ku shiraan ee Xero Dayax waxaa ku tarmay Maxamed Maxamuud Afjar iyo Maxamed Jaamac Faarax oo labadooduba Xubnaha Golaha ka mid ahaa.

Doorashada waxaa goobjoog ka ahaa Isuwudaha wasaaradda arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo horumarinta reer miyiga Puntland, Maamulka Gobolka Mudug, Duqqa Degmada Gaalkacyo iyo Qaar ka mid ah Waxgaradka iyo shacabka Magaalada Gaalkacyo.

Sida Lanoo sheegay 24-Xildhibaan ayaa Goobjoog ahaa Doorashada oo Codeeyay, waxaana Maxamed Maxamuud Afjar uu ku guulaystay 14 cod halka Maxamed Jaamac Faarax uu helay 9 cod.

Ugu dambayntii Golaha Deegaanka iyo Masuuliyiintii kale ee doorashada goob jooga ka ahaa ayaa Maxamed Maxamuud ugu hambalyeeyay Xilka Cusub ee loo doortay.

Hoos ka dhageyso warbixin: