Waxaa maantay hoolka Guriga Gobolka ee magaalada Boosaaso ka dhacday xaflad lagu dhaarinayay Golaha Deegaanka  ee Magaalada Boosaaso,  waxaa xafladaas ka soo qaygalay madax ka socotay Dowlada Puntland  odayaal dhaqameedyo nabadooono ururada hooyoyinka iyo qaybah kale ee bulshada

Ugu horayntii waxaa la dhaariyay  Golaha Deegaanka  oo lagu dhaariyay in ay si cadaalad ah ay u gudan doonann waajibaadkii loo idmaday oo ah in ay dadka iyo dalka ay si cadaalad ah ugu shaqeeyaan, waxeyna ku dharteen in ay  u gudan doonan waajibaadkooda sida loogu idmaday

Dhaarta ka dib waxaa goobtaas ka hadlay Cali Xoosh Wasiir ku xigeenka Arimaha gudaha iyo hour marinta reer Miiga oo u mahad balaaran u jeediyay dhamaan intii ka soo qayb gashay xafladaas, waxaana uu dardaran u jeediyay  dhamaan intii loo dharshay, wajibaadka ah golaha deeganka magaalada Boosaaso,  isagoo sheegay in looga bahan yahay  in ay waajibaadkooda u gutaan si sharci ah  oo  ay horumar ku gaari karaan,

Sidoo kale waxaa  xafladaas ka hadlay Wasiirka Maaliyada Dowlada  Putland Faarax Cali Jaamac   oo isna shegay in ay manta tahay arin lagu farxo  in degmada Boosaaso loo dhariyo gole deegaan, waxa uuna intaasi ku daray in uu ka rajaynayo in ay gutaan waajibaadka loo idmaday .

Ugu danbaytii waxaa xafladaas soo xiray Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha iyo Horamarinta Rer Miyaga C/laahi Axmed Ilko Jiir oo isna mahad balaaran u jeediyay intii madasha ku sugnayd isagoo sheegay in maanta ay tahay maalin xusid mudan madama ay mudo sanad ah aysan degmada lahayn gole deegan isgoo dhaka golaha kula dradaramay wanaaga.

 

Si kastaba ha ahaatee dharinta golah deegaanka ee magaalada Boosaaso ayaa imanaya  xili mudo hal sano ah ayasan jirin wax gole deegan ah taaso sabab u ahayd in qabiilada qaarkood sheegen in loogu daro xubno

ugu danbayntiina waxaa lays lagaaray in aan waxba lagu darin ee ay ahaadaan 27 xubnood .

Axmed Maxamuud Axmed
SBC International Boosaaso