Maanta waxaa uga furymay magaalada Garoowe xarunta gobolka nugaal Golaha deegaanka Magaaladaasi kalfadhi kaasi oo ay ka qeb galeen Masuuliyiinta Degmada iyo kan gobolka.

Kalfadhigani ayaa mudada uu socdo waxa ay kaga doodi donaan xubnaha maamulka degmada qorshayaasha horumarinta degmada Garoowe iyo arimo kale.

Duqa degmada Garoowe C/casiis Nuur Cilmi ayaa halkaasi ka jeediyay hadal isagoona ka warbixiyay waxqabadka dowlada hoose mudadii la soo dhaafay eek u simaneyd 6da bilood.

Waxa uu taabtay Duqu arimo farabadan oo ay wax ka qabteen ka maamul ahaan siiba furida jidad cusub iyo qorsha yaasha bilicda magaalada iyo waxqabad kale oo badan.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi xirsi Cali ayaa ugu mahad celiyay hadal uu isna halkaasi ka jeediyay maamulka degmada waxqabadkii balaarnaa ee ay qabteen isagoona tilmaamay in howlaha dowladaha hoose aysan dhamaanin balse ay yareeyaan baahiyaha jira.

Golaha deegaanka degmada Garoowe oo sanadkiiba laba jeer fariista ayaa waxa ay kaga doodaan kulamadooda Barnaamijyada horumarineed iyo baahiyaha jira in waxlaga qabto.

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe