Tababarkana ayaa ahaa mid ay xildhibaanada golaha deegaanka degmada Bosaso ay ku baranayee xirfadaha maamulka iyo hogaaminta wanaagsan waxaana aqoon is waydaarsigan fulinaysay hay,ad UN Habitaad.

Ugu horaynta waxa furitaanka Tababarka kahadlay Cismaan Maxamuud Aw Cismaan oo ah madaxa Hay,ad UN Habitat ee Puntland wuxuuna sheegay in Tababarkani uu yahay mid loogu talagalay in lasiiyo xildhibaanada golaha deegaanka ee ka jira degmooyinka Puntlan waana tababar lagu baranayo Hogaaminta wanaagsan .

Cismaan ayaa xildhibaanda kula dar daarmay in ay siwanaagsan uga faa,idaystaan tababarkan oo uu sheegay in uu socon doono muda laba sabooc ah .

Gudoomiyaha golaha shacbka ahna duqa degmada Bosaso Mudane Xasan Cabdalle Xasan ayaa si rasmiya u faray tababarka isagoo sheegay in tababarkani uu yahay mid muhim u ah xildhibaanda madaama uu ku saabsan yahay maamul wanaag .

Gudoomiyaha ayaa ugu danbeyntii xildhibaanada kula dar daarmay in ay siwanaagsan uga faa,idaystaan tababarkan mudada uu socdo . 

Tababarkan ku aadan xirfadaha maamulka iyo Hogaaminta ayaa ah mid loogu tala falay in laga fuliyo deegaanda ay kajiranaa golaha deegaanka .



Cismaan Saalax
SBC International Boosaaso