Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso ayaa soo dhaweeyay Gudoonkii ay shalay Doorteen Barlamaanka Soomalaiya iyo Ku Xigeenadiisi
Waxay sheegen in arinkii shalay ka dhacay Muqdisho ee lagu doortay Gudoomiyah Barlamaan ka ay ahayd guul u soo hoyatay Soomaali meel walba ay joogan isla markaana ay tahay in ay u muuqato ama ay tahay Biloowgii midnimo qaran ee soomaali ay weeyday 21 sano ka hor
Bootaan Axmed Bootaan ayaa ka mid ahaa Mudanayaasha Golah deegaanka ee arinkan soo dhaweeyay isagoo sheegay in si aan la koobi Karin ay ugu faraxsan yihiin una hanbalyeenayaan Proff Maxamed Cismaan Jawaari iyo ku xigeenadiisa isla markaana ay uga fadhiyaan in soomaali ay guul u horseedan.
Sidoo kale waxaa ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha deeganka Boosaaso ee iyana soo dhaweeyay Gudoonka la Doortay iyo Ku xigeenadiisa Fowsiyo Maxamed Axmed ( fawsiyo Caluula ) oo iyana sheegtay in wax lagu farxo ay tahay in soomaali ay isku tashato ,shalayna ay u ahayd soomaali guul biloowgeed lagana doonaayo Proff Jawaari in uu soomaali aayaheeda ka taliyo lagana Dhowraaayo madaama uu yahay Aqoon yahan Soomalaiyeed Xilal Ka soo qabtay Dowladiih Hore ee Soomaray Soomaaliya.
Shalay Galinkii danbe ayey ahayd markii la doortay Gudoonka Baarlamanka Soomaaliya Ku Xigeenadiisa iyadoona dhamaan Soomaalidu meel walba ay joogaan ay soo dhaweeyen arikaa Sheegena in ay tahay Guushii ugu horaysay ee soomaali u soo hoyatay iyadoona noqonaysa in Dorasho caynakan oo kala mudo 40 sano kaban ay soomaaliya ka qabsoonto.
Axmed Nuune
SBC International Boosaaso