New York:-Golaha amaanka ayaa u codeeyey in ciidamo caalami ah oo ka kooban 4200 oo askari loo diro deegaanka lagu muransan yahay ee Abyeey ee u dhexeeya woqooyiga iyo koonfurta Sudan.

Howsha ciidamadan ayaa noqon doonto la socoshada ka bixitaanka ciidamada woqooyiga Abyeey iyo la socoshada xuquuqda aadanaha iyo gaarsiinta kaalmooyinka bani’aadamnimo deegaankan ku yaala xadka u dhexeeya woqooyiga iyo koonfurta Sudan.

Ciidanka woqoyiga ayaa galay Abyeey 21 May ee la soo dhaafay taasi oo keentay in ay ka qaaxaan inkabadan 100 kun oo qof sida ay QM ku qiyaastay.

Labada dhinac ayaa 20 bishan june heshiis dhigay in Abyeey noqoto meel ka caagan hubka kukala saxiixday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Deegaanka Abyeey ayaa ah mid kamid ah baraha khilaafaadka u dhexeeya woqooyiga iyo koonfurta sudan ka hor ku dhawaaqista koonfurta Sudan madaxbaanida 9 bisha July ee soo socota.

Golaha amaanka ayaa carabaabay walwalka uu ka qabo xaaladda hadda kajirta deegaanka Abyeey gaar haan dambiyada ka dhanka ah dadka rayidka iyo xadgudbka qaanuunka caalamiga ee ku aadan xuquuqda aadanaha.

Safiirka Sudan ee QM ambassador Dafcallah Al-xaaji Cali Cismaan ayaa sheegay in ciidamada Khartoum ay ka bixi doonaan marka ay soo gaaraan deegaanka ciidamo Ethiopian ah oo nabad ilaalineed.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring