Magaalada Baran ee gobolka Sanaag ayaa maanta waxaa ka dhacay xaflado si weyn loogu soo dhaweynayo maalinta 1da August oo ah maalintii 13 sano ka hor la aas aasay Maamulka Dowlada Puntland.

Dadweynaha Magaalada Baran ee xarunta gobolkaasi sanaag ayaa saaka isugu soo baxay goobaha fagaarada ah ee magaaladaas iyagoo lulaya caleemo qoyan Calanka Puntland iyo boorar ay ku sawiranyihiin Madaxweynaha Puntland iyo waxyaabo ku xardhan oo ku aadan munaasabada 13sano guurada.

Sidoo kale waxaa iyana gaado kaciyaar iyo Gaardis halkaasi ku soo bandhigay ciidamada Daraawiishta Puntland kuwaas oo u soo bandhigay Dabaaldega si aad u quruxbadan.

Waxaa dadka halkaasi hadalo uga jeediyay Saraakiil ka mid ah maamulka gobolka Sanaag oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur Dabeyl iyo Saraakiisha ciidamada Daraawiishta. iyagoona u sheegay in maalintan maanta ah ay tahay maalin kuweyn dadka reer puntland iyo maamulkoodaba.

Waxaa iyana halkaasi ka hadlay dhamaan qeybaha bulshada, Dhalinyarada, Haweenka, iyo Odayaasha iyagoona u hambalyeeyay umada reer Puntland meelkasta oo ay joogaan 13sano guuradooda .

Sikastaba ha ahaatee waxaa iyana xafladahan oo kale lagu qabtay deegaanada Puntland dhamaantood iyadoo tii ugu weyneed ay ka dhacday magaalada xarunta u ah Puntland ee Garoowe.

Cawil Nadiif Suldaan
SBC International Baran