Waxaa goor dhoweyd soo gaba gabowday ciyaar u dhexeysay gobolada Mudug Vs Sool, taasi oo ka tirsaneyd ciyaaraha gobolada Puntland ee ka socda Garoonka Mire Awaare ee Magaalada Garoowe.

Ciyaartani oo aheyd mid aad u xiiso badan taageerayaal aad u tiro badana ay ka soo qeyb galeen ayaa waxaa ay ku soo dhamaatay islamarkaana ay guushii ku raacday gobolka Mudug oo 2-1 ugaga raayay gobolka Sool.

Sidoo kale waxaa iyana daqiiqado ka dib bilaabatay ciyaar aan ka dhicin tii hore oo siweyn looga wada sugayay gobolada Puntland taas oo dhexmartay Gobolada Haylan Vs Karkaar,

Ciyaartaasi waxay aheyd mid aad u xiiso badan oo bulshadii u soo daawasho tagtay ay si aad ah uga heleen waxaana ay soo bandhigeen labada dhinac ciyaar aad u wanaagsan.

Waxay ciyaartani ku soo dhamaatay islamarkaana ay guushii raacday gobolka Karkaar oo Haylaan kaga badiyay 2-1.

K M Cayuuni
SBC International.