Ciyaaro aad u xiiso badan islamarkaana ka tirsan koobka gobolada Puntland ayaa galabta dhacay waxaana galabta wada ciyaarayay gobolada Bari Vs Karkaar, iyo Haylaan Vs Nugaal.

Ciyaarahan oo ahaa kuwo aad u xiiso badan islamarkaana ay ka soo qeyb galeen dadweyne aad u tiro badan ayaa maanta waxaa ka soo baxay natiijooyin dadka qaarkiina ay ku farxeen kuwo kalena ay ka niyad jabeen.

Ciyaartii hore ee galabta waxay  dhexmartay gobolada Bari Vs Karkaar  waxayna ku soo dhamaatay guushiina ay raacday gobolka Karkaar oo 1 gool oo qura kaga raayay gobolka Bari Waxaana sidaasi ku huleelay gobolka Bari .

Waxaa sidoo kale dhacday ciyaarta u dhexeysa gobolada Haylaan  Vs Nugaal taasina waxay ku soo dhamaatay 4-2 oo ay guushu ku raacday gobolka Nugaal.

K M Cayuuni
SBC International News Desk