Garoonka Mire Awaare ee Magaalada Garoowe oo ay ka socdaan ciyaaraha gobolada Puntland ayaa maanta waxaa ku ciyaaray 4 gobol oo laba ka mid ahi hareen halka laba kalena ay soo bexeen.

Ciyaarta hore waxay dhexmartay gobolada Sanaag Vs Sool oo ku jira Group-ka d Waxaana ciyaartaasi aheyd mid gobolkii badiyaa uu u soo baxayo wareega semi Finale-ka waxaana badiyay gobolka Sanaag ka dib Regoore yaal markii ciyaartii ay ku dhamaatay bar bar dhac.

Waxaa iyana Ciyaar aad ay wada yeeshay gobolada Cayn Vs Mudug taasi oo aan ku xirneyn gobolkii badiya maadaama gobolka Mudug uu isagu leeyahay dhibco ku filan oo uu ugu soo bexayo wareega 4ta koox, micnaheedu taasi waa gobolka Cayn oo sidaasi ku haray,

Waxaana ciyaartaasi ay guushu ku raacday gobolka mudug 2-1.