Kulan maanta ay yeesheen golaha xukuumada oo uu shir gudoominayay madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo qaaday in sideedii gobol ee puntland lagu daro gobol cusub oo loo baxiyay Gaardaful kaasoo ay si aqlabiyad ah u ansixiyeen sida uu Warbaahinta SBC u xaqiijiyay Wasiirka Wasaarada Beeraha Iyo Waraabka Eng Maxamuud Xaaji Saalax * Biriishkole * oo intaasi ku daray in loo gudbin doono ansixinteeda golaha wakiilada.

Waxaa sidoo kale uu wasiirku ka dhawaajiyay in aan wali laga baaraan dagin degmooyinka uu gobolkaasi uu yeelan doono in kastoo uu wasiirka carabaabay in uu gobolkaas xarun ay u noqonayso degmada Caluula degmooyinka uu sheegay in laga yaabo ay hoos tagaan ayaa uu ku sheegay Baargaal Gunbux Iyo Xaafuun.

Mar aanu wax ka waydiinay degmada Xaafuun in ay ka tirsan tahay Gobolka Karkaar ayuu kaga jawaabay in aruntu ay tahay kaliya Malayn balse hadii joqraafi ahaan uu eegayo arinta degmooyinkuna ay tahay mid aan wali laga hadlin.

Biriishkole waxaa uu kaloo sheegay in deegaamadaas ay yihiin dhul baaxad leh oo kheyraad badana leh sidoo kalana uu buuxinayo deegaamadaas shuruudaha laga rabo gobol taasoo aan ku Xaqiinjin karo ayuu yiri in uu dhaqaale badan uu leeyahay hadii dadka deegaankaas ay kheyraadkooda garowsadaan.

Magacaabistan gobolkan ayaa yimid xilli sanado ka hor la hadal hayay in deegaanka Caluula loo magacaabayo gobol ka mid ah gobolada puntland taasoo hadal haynta ugu badana ay ka soo yeeraysay dadka deegaankaas ka soo jeeda.

Maxamed Cali Iimaan
SBC International Bosaso