Shirkii Haween weynaha soomaaliyeed uga socday Magaalada Garoowe kaasi oo ay uga hadlayeen Haweenka Dhibaatada iyo Joojinta GUdniinka FircoonigaEe lagu sameeyo Hablaha soomaaliyeed ayaa manta waxaa uu  soo Gabagaboobay.

Waxaa kulanka Haweenka Soomaaliyeed oo ahaa mid Muddo Laba cisha ah ugu socday magaalada Garoowe ay isku weydaarsadeen intii uu socday Fikrado kala Duwan ayna ka wada Falan qoodeen Dhibaatada Guniinka Fircooniga uu ku haayo Hablaha Soomaaliyeed  iyo sidii looga guuuri lahaa caadadaasi soo jireenka ahi.

Fadhiga  ay haweenka Soomaaliya ay kaga Arinsadayeen Gudniinka ayaa waxaa ay Dood Dheer ka dib ay ka soo saareen Go’aamo ay Wada gaareen Haweenku.

Kaasi oo u Qornaa sidatan :

Shir Waynaha Haweenka Ee Gudniinka Gabdhaha Ee socday Labada  Maalmood  Waxaa Laysku Raacay Qodobada Hoosku XUsan.
Qodobadada Shirka ka SOO Baxay:

1:Joojinta Gudniinka AAn waa Faqsanayn SHareecada Islaamka
2:In la Qabto Aqoon IS waydaarsi Baaxadleh oo culimada  Islaamku Ka sameeyaan Fatwo ku saabsan Gudniinka Gabdhaha .
3:In la sameeyo Wacyagelin baahsan oo Miyi iyo Magaalo ba gaarta.
4.In Gudniinka iyo waxyeeladiisa lagu daro Manaahijta Waxbarashada ee heerarka kale duwan.
5.In shaqo abuur iyo xirfado loo sameeyo dadkii ku shaqaysan jiray Gudniinka
6.In Dowladaha,Maamulada,Degmooyinka iyo  Goboladaba ay hir geliyaan xeer ciqaabeedka laga soo saaray Gudniinka.
7.In taageero dhaqaale loo helo fulinta Qodobadda ka soo baxay Shirwaynaha .
8.In la abuuro xiriir wada shaqayneed oo ka dhaxeeya Dowladaha,Maamulada iyo Gobolada ku heshiiyay Go’aamada shirka kasoo baxay ayna fuliyaan gudi loo doortay oo ka kooban Ergadii shirka kasoo qayb gashay.
9.In la sameeyo Xarumo Caafimaaad oo lagu dar yeelo dadka wax yeeladu ka soo gaartay Gudniinka
 
Waxaana gabagabadii Shirka Haween waynaha Somaaliyeed ee kasoo baxeen Go’aamadaas Soo  xiray Madaxwayne ku xigeenka  Dowlada Puntland ,G/Cabdisamad Cali Shire oo ay meel marin doonaaan go’aamada shirka ka soo baxay.
DAAWO SAWIRADA






Cabdi Caziiz Ibraahim Axmed (Cabdi Caziiz okey).
SBC International Garoowe