Genral Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo ah Janaraal ka tirsan DKMG ah ayaa kulan saxaafadeed uu ku qabtay Maanta gudaha Magaalada Muqdisho gaar ahaan hoyga uu ka degenyahay Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay in ay Dhacdo xiligii loogu talagalay doorashada Madaxtinimada DKMG ah, hadiise ay dhici weydo xiliga loogu talagalay Doorashadaasi uu yahay Madaxweynaha Soomaaliya.

Genral Indhacade ayaa sidoo kale saxaafada u sheegay in Hub iyo ciidanba uu heysto islamarkaana uu cod ka helayo Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya taasna ay horseedeyso in uu madaxweynaha dalka Isagu noqdo .

“Baabuurtaas Darbaalan ee Aqalkeyga Yaala waxaa xira oo keliya Shaciga u degsan DKMG ah, hadiise ay dhacdo in laga talaabsado iyana waxay qaadayaan Talaabada ku haboon” ayaa hadaladiisa ka mid ahaa Sh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha cade markii saxaafada kula hadlayay gurigiisa .

Wasiiru dowlihii hore ee DKMG ah Gen Yuusuf Indha cade ayaa sheegay in uu siweyn u soo dhaweynayo Guulaha Ciidamada DKMG ah ay ka gaarayaan dagaalada ka socda qeybo badan oo ka mid ah Muqdisho, sidoo kalena arintaasi ay qeyb ka tahay ladagaalanka xoogaga Xarakada Alshabaab.

Hadalka Genralka ayaa waxa uu u egyahay mid hanjabaad ah islamarkaana loogu hanjabayo madaxda DKMG ah siiba Madaxweynaha DKMG ah iyo Raiisul wasaarihiisa Maadaama ay iyagu goosteen mudo Halsano ah in ay xukunka ku darsadaan, sidoo kale waxaa loo fasiran karaa hadalka Genralka Mid uu ku shaacinayo isu soo taagista musharaxnimada Madaxweynaha.

Waxa uu sidoo kale imaanayaa hadalka Gen Indhacade Xili uu muran xoogan ka dhextaaganyahay Labada gole ee DKMG ah ee Soomaaliya kaas oo ay isku hayaan arimo la xiriira dhicitaanka dowlada KMG ah iyo doorashooyinka dalka ka dhici doona .

Dhinaca kale waxaa goor maqribnimada maanta ah soo gaaray dagaal xoogan oo saaka ka qarxay Muqdisho kaas oo u dhexeeyay dhinacyada Xarakada Alshabaab iyo DKMG ah oo ay caawinayaan ciidamada Amisome, waxaana wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in dagaaladaasi ay guulo wax ku ool ah ka soo hoyeen ciidamada DKMG ah iyagoona ku sii siqaya Suuqa Bakaaraha inkastoo wararku intaasi ku darayaan in saraakiisha ciidamada DKMG ay ciidamada u diideen in ay galaan suuqa Bakaaraha taas oo ay uga danleeyihiin in aanay dhicin xaalado fowdo ah oo suuqaasi lagula kaco.

Maxamed C/laahi
SBC International Muqdisho