Waxaa mantay Garoonka Diyaaradah ee Magaalada Boosaaso lagu soo dhaweeyay Ganaraal Cabdilaahi Siciid samatar oo isagu horay u ahaan jiray Wasiirka Amniga Puntland hadana ah musharax u taagan xiilka Madaxtinimada Puntland ,

Waxaana lagu soo dhaweeyey Gudaha magaalada Boosaaso ,iyadoo ay soo dhaweeyen Masuuliyiin horay xilalal uga han jiray Dowlad Gobaleedka Puntland,Isimo,Wax garad ,Dhalinyaro , Haween ,iyo qaybaha kale ee bulshada.

Soo dhaween kadib ayaa wax uu u soo dhaqaaqay Guriga uu Magaalada ka dagan yahay isagoo halkaa saxaafada kula hadlay kana war bixiyay safarkiisa uu ku yimid Puntland isagoo sheegay in uu u taagan yahay xilka madaxtinimo ee Puntland isla markaana uu sheegay in uu xaq u leeyahay in uu isu soo taago doorashada isagoo sheegay in uu yahay muwaadin u dhashay Deeganadan isla markaana uu mar walba jecel yahay jiritaanka  iyo midnimada Puntland .

Intaa kadib ayaa saxaafadu waydiisay su,aalo dhawr ah ,ugu horantii ayaa waxaa la waydiiyay in uu ka soo hor dhacay xiligii hololah doorashada ,waxaana uu sheegay in uusan ka soo hor marin ee ay tahay mid aan dhib lahayn isla markaana ay soo socdaan Musharaxyo kaloo badan .

Ganaraal Cabdilaahi Siciid Samatar ayaa wax uu sheegay in uu soo maray wadamo badan oo ay ku nool yihiin Dadka rer Puntland isla markaana ay ka wada hadleen xalada Puntland isagoo ugu danbayntii sheegay in uu mar walba sida nabada ah uu jecel yahay hadii uu ku guulaystana uu diyaar u yahay nabada iyo haduu ku guulaysan waayo .

Si kastaba ha ahaa tee Musharaxan ayaa wax uu noqonayaa Musharaxii ugu horeeyay ee u taagan Xilka madaxtinimada Puntland oo soo gaarah magaalada Boosaaso.

SAWIRO

Axmed Nuune
SBC International Boosaaso