Kaalin shidaalka lagu iibiyo oo ku taala Magaalada Garoowe, ayaa waxaa la soo sheegayaa in fiidnimadii Xalay uu dab qabsaday, iyadoo dabkuna uu ku fiday qaybaha kala duwan ee kaalintaasi.

Maqaaxitan Oo La Oran Jiray Kalyaxeyd Waxeyna Ka Ag Dhaweyd Maqaaxidda Reys Qaboobe Ee Magaaladda Garowe, Waxaanna Lagu Iibin Jiran Shidaalka iyo bagaashka Noocyadoodda Kala Duwan Weyna Gubatay gabi Ahaanteed,

Mulkiilaha Goobtaasi Cawiif Cali Cilmi Oo Saaka La Hadlayay SBC Ayaa Noo Sheegay in Gabi Ahaan Ay Bas Beeshay Goobtaasi Ganacsi Ayna Hadda Ku Mashquulsanyihiin Sidii Loo nadiifin lahaa Goobtaasi,

Wuxuu Noo Sheegay in Ay Halkaasi Ku Bas Beeshay Lacag Dhan (Sideetan iyo Todobo Kun Oo Dollar) Ayna Dhawaan Xisaabteeda Xireen.

dab

Ganacsatada shidaalka iibisa, ayaa waxa uu khasaaro xoog badan leh uu ka soo gaaraa dabka halakeeya goobahooda ganacsi. Mana Jirto Wax Dabdamis Ah Oo Goobtaasi Xalay yimid.

Dhageyso Warbixin Uu Garowe Ka soo diray Wariye Axmed Sheekeye:

Daawo Sawirradda Goobta:

IMG_3031-450x299 IMG_3032-450x299 IMG_3034-450x299 IMG_3036-450x299 IMG_3037-450x299 IMG_3038-450x299 IMG_3039-450x299 IMG_3040-450x299 IMG_3041-450x299