Munasabad Balaran o lagu qabtay Xarunta wasarada Dhalinyarada Shaqada Shaqalaha iyo Isportiska ee Magalada Garowe isla markaasna ay ka soo qayb Galeen Masuliyiinta wasarada Xubno ka socday Wasaradaha Kale ee Puntland,  Ururadda Dhalinyarada iyo Ha’yadaha Qaramada Midooway iyo Kuwa Maxaliya oo qaybtood ay fulinayeen barnaamijkani oo sanadkaan dhalinyarada lagu wacyigalinayey in ay ka qayb qaatan hormarka dalka sida qudbadihii maanta lagu wada xusay.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland C/Samad Cali shire ayaa maanta oo jimce ah kuna beegnayd Maalinta Dhalinyarada Aduunka ka qayb galay Munasabada Balaran oo  lagu xusayey Maalintaani

Gudoomiyaha dhalinayarada Dalada Mudan ee Gobolka Nugaal Maxamed Muse Maxamed oo hadal ka jeediyay Xuskaani ayaa sheegay in dhalinyaradu ay tahay Mustaqbalka berri loona bahan yahay in mar walba la siiyo Garab isla markaasina shaqo abuur loo sameeyo dhalin yarada.

Inta ay soctay Munasabadani waxaa Lagu soo Bandhigay Riwaayad ka hadlaysay Dhalinyarada iyo Shaqada ay ka turjumaysay  xaalada  dhalinyarada soomaaliyeed ay ku noolyiihin.

Wasirka Dhalinyarada Ciyaraha Shaqada iyo Shaqalaha C/wali Xirsi indha Guran ayaa ku dheeraday maalintaani qimaha ay u leedahay  Dowlad walba oo calamka ka xusaysa iyo Wasarada dhalinyarada Puntland Hormarka ay ka samaysay Dhalinyarad.

Madaxawaynahe ku xigeenka Puntland C/samad Cali shire oo Gunaanadkii ka hadlay Munasabada Maalinta dhalinyarada aduunka oo qudbadiisii ku saleyay in dhalinyaradu ay tahay  laf dhabarta Puntland 70%…..waxuuna  c/samada cali shire sheegay  in sanad kaan sanadkiisa kale Alle ugu baryay in bash bash iyo baraare  ku gaarsiiiyo.

Ugu dambaytiina xaflada lagu maamuusayay  maalinta dhalinyarada  ayaa waxaa ay ku soo gabgabowday jawi aad udagan  waxaan munaasadaa ay ahyd mid si heersara ah loo soo agaasimay  .

Cabdi Casiis Okey
SBC International Garoowe