Munaasabad lagu soo bandhigayey wax qabadkii maamulka degmada Garowe  sadexdii sano ee maamulkani talada hayey ayaa lagu qabtay xarunta jaamacada psu ee magaalada Garowe .

Munaaasabadan oo ay ka soo qayb galeen golaha xukuumada maamula gobolka ka degmada xubno ka socday dawlada FKMG iyo qaybaha kala gedisan ee bulshada ayaa laguu soo bandhigayey waxqabkii  dawlada hoose ee degmada Garoowe mudada sadexda sano ee xukuumada talada haysaa ay  lawareegtay Talada dalka.

Waxaana lasoo bandhigay filin maqal iyo muuqaal aH oo muujinaya waxqabadkii iyo guulihii laga gaaray degmada Garoowe oo ay ka mid yihiin jidadka lafuray wadooyinka labixiyey Dhiraynta iyo dhismayaasha suuqa ganacsiga ee degmada Garoowe iyo xaafadaynta degmada

Ugu horayn Waxaa hadalkiisa ku haboonaa munaasabada jeediyay Duqa degmada Garoowe Cabdi Casiis Nuur Cilmi koor ayaa tilmaamay waxyaabihii ay qabteen iyo qorshaha haatan ay ku hamiyayaan

Gudoomiyaha gobolka Nuugal :Cabdi Xirsi Cali ayaa isna tilmaamay inay munaasabadahan oo kale ka socdaan dhamaanba gobolka Nugaal sida degmada Ayl, Dangorayo iyo degmnada Burtinle

Agaasimiha ladagaalanka burcada C/risaaq Maxamed Dirir ducaysane ayaa sheegay dhankiisa sida wax looga qabtay burcada deegaanada Puntland isagoo ugu baaqay shacabkana in lawado ladagaalanka iyo ka soo hanuuninyta caruurteen jidka xun ee burcada waxa uuna aad ugu hanbalyeey maamulka degaanka garacad oo haatan isu xilqaamay ka siuurinta burcada deegaankaas

Wasiirka maamul wanaaga pl: maxamed faarax ciise gaashan ayaa sheegay marka laga yimaado guulaha lagaaray wax yaabaha aan u qabsoomin maamulka ee haatan lagu talo jiro sida xuduudaha Puntland gobolada maqan waxa uuna carabka ku dhutay inay haatan maamulku ka war sugayaan shirka khaatumo labo  oo ay ku shirayaan dadkii deegaamada sol ,sanaag iyo cay isla markaana uu maamul taageersan yahay go’ aanka kasoobaxa shirkaa

Intaa ay socotay munaasaba waxaa lagu soo ban dhigay heeso ,gabayo iyo sugaano kaduwan abwaan maxamed cali walay ayaa ka mida abwaanada waaweyn ee saka halkaasi ka dhiibtay murtida

Ugu danbayna waxaa soo gabagabeeyey wasiirka wasaarada haweenka Dowlada ku meel gaar ka ah Ee soomaaliya Marwo:Maryan Aweys OO sheegtay in ay Aad ugu faraxsanatahay munaasabada saddex guuradii ka soo wareegatay markii xilka madaxtinimada puntland uu qabtay madaxweyna cabdi Raxmaan sheikh  maxamed waxayna sheetay in ay puntlan tahay meel  ay soomaalidu iskugu timaado oo nabad ah .

Xuska maanta laa labal dagay Markii madaxweyne farolle xukunka la loo magacaabay ayaa waxaa ay ka dhaceen dhamaan deegaanada puntland

Cabdi caziiz Ibraahim Axmed (cabdi caziiz okey)
SBC International Garoowe