Garaad Jaamac oo ka mid ah Isimada ugu Magaca weyn Soomaaliya & Puntland ayaa waxaa uu la soo xiriiray Warbaahinta SBC Isaga oo jooga Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya si uu baaq nabadeed ugu diro Walaalaha Isku Farasaaray Deegaanada Gobolka Bari.

Garaadka ayaa waxaa uu Baaq Si wada Jir ah ugu diray Dhinacdyada Dirirtu u dhaxeyso ee isku leynaya Aanooyinka & Sidoo kale Cuqaashada Dalka Joogta Inay hakiyaan Colaada Caynkan ah ee u dhaxeysa Dhinacyaadaas.

Garaad Jaamac Garaad Cali waxaa uu xusay in Dagaal aanu wiil ku dhalan Balse wiil ku dhinto Loona Baahan yahay in dadka oodwadaagta ah lakala dhexgalo oo la xaliyo Khilaafaadka Caynkan oo kale ah

Garaadka waxaa uu ku amaanay Cuqaasha La midka ah ee Joogta Deegaanadan inay Arimahan horey u dhaxgaleen isaga oo ugu baaqay in Halkaas laga sii wado oo aan laga daalin sidii dadkan Eebe isgu soo duwi lahaa Quluubtooda

Garaad Jaamac waxaa uu Baaq & Ducoba u diray Dhinacyada Xiisadiihii ugu danbeeyay ay ku dhexmareen Deegaanada Gobolka Bari oo Dhimashada & Dhaawacba keenay waxaana uu sheegay in Dhiiga Walaalaha Qubanaya hadii aan wax laga qaban ay khatar ku tahay Amaanka Deegaanadaas ka jira.

UGu danbeyn garaadka waxaa uu sheegay in iminka isaga uu ka maqan yahay Dalka loona Baahan yahay Isimiada, Cuqaasha, Culimada, iyo maamulka inay Ka qeybqaataan Sidii loo damin lahaa Xiisada isaga oo sidoo kale sheegay inuu docdiisa kala hadli doono ismada Labada dhinac & Bulshada inteeda waxgalka ah sidoo amuurtan wax looga qaban lahaa.

SBC International  Monitoring